Jamal Mitchell ayaa la dilay xilli uu ka jawaabayay toogasho ka dhacday guri dabaq ah oo ku yaalla 2200 block of Blaisdell Avenue, taasoo ka dhigaysa sarkaalkii ugu horreeyay ee booliiska Minneapolis ee la toogto laguna dilo isagoo gudanaya waajibaadkiisa in ka badan 20 sano.
Sarkaalkaan 36 jirka ah oo ka tirsan booliiska Minneapolis ayaa dhintay, sidoo kale waxaa goobta lagu toogtay tuhmanaha ka dib markii ay rasaas is weydaarsadeen fiidnimadii Khamiista koonfurta Minneapolis, sida ay sheegeen booliiska.
Sarkaal labaad oo ka tirsan booliiska dab-demiska, qof goobta ku sugnaa iyo qof kale ayaa sidoo kale ku dhaawacmay rabshada ka dhacay gudaha iyo hareeraha guri dabaq ah oo ku yaal 2200 block of Blaisdell Avenue, ee xaafadda Whittier ee Minneapolis, sida ay saraakiishu sheegeen.
Sargaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Jamaal Mitchell, oo 36 jir ahaa, kaas oo ku guulaystay bilad sharaf ka dib markii uu labo qof oo waayeel ah dab ka badbaadiyay saddex maalmood ka dib markii uu bilaabay shaqada.
Mitchell “waa geesi, maantana waa maalin aad u xun magaalada Minneapolis,” ayuu yiri duqa magaalada Jacob Frey 10kii habeenimo. shir jaraa’id, oo ay garab taagnaayeen Gov. Tim Walz, hogaamiyayaasha booliiska iyo xubnaha golaha deegaanka.
Mitchell, oo ah aabbe ayaa ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee soo gaaray goobta ay ka dhacday toogashada wax yar ka dib 5-tii galabnimo. Waxa uu isku dayay in uu gargaar caafimaad siiyo meel ka baxsan dhismaha laba qof oo dhaawac ah halkaas oo lagu toogtay si gaadmo ah sida uu sheegay Drew Evans, oo ah maamulaha Xafiiska Dambiyada ee Minnesota.
Amaanka magaalada Minneapolis ayaa laga dayrinayaa waxaana soo badanaysa weerarada loo gaysto booliiska. Horaantii sanadkaan ayaa sidaan oo kale sadex qof oo ka tirsan booliiska iyo dabdamiska lagu toogtay magaalada Burnsville iyaga oo gudanaya waajibaadkooda shaqo.