Xili dad badan ay aad ula tacaalayaan dhibaatada ka dhalatay xanuunka COVID-19, dad badan ayaa wajahaya caqabad aan dhamaanayn oo loo yaqaan Long COVID. Xaaladdan waxay ka kooban tahay calaamado badan oo qofka isku arko saddex bilood ama ka badan kadib marka ay ka bogsoodaan infekshanka COVID-19. Laga soo bilaabo daal, dhibaato gaarta dhimirka, isbedelka dareenka, Long COVID wuxuu si weyn u saameyn karaa nolosha maalinlaha ah iyo caafimaadka guud.
Waa Maxay Long COVID?
Long COVID waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay calaamado badan oo dadku la kulmi karaan ka dib marka ay ka soo kabsadaan xanuunka COVID-19. In kastoo dad badan ay ku bogsoodaan usbuub ama labo, dad badan ayaa la kulmaya calaamado dhibaato leh mudo dheer. Calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah daal joogto ah, xannuunka maskaxda oo badanaa loo yaqaan “Brain fog,” iyo isbedelada dareenka dhadhanka ama urta.
Xaaladdan kuma koobna hal calaamad ama dhawr calaamadood oo keliya; waxay ka kooban tahay wax kasta oo dhibaato caafimaad oo la xidhiidha infekshanka COVID-19 oo sii soconaya ka dib marka laga soo kabsado xanuunka COVID-19. Cabbirka calaamadaha ayaa si weyn u kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah dadka ay la kulmaan dhibaato yar halka kuwa kalena ay wajahaan caqabado waaweyn oo saameynaya tayada noloshooda. Calaamadaha Long COVID waxay soo m,uuqdaan ka dib marka qofka haleelo COVID-19, taasoo ka dhigaysa mid aan la saadaalin karin oo adag in la maareeyo.
Long COVID waxaa sidoo kale loo yaqaan magacyo kala duwan, waxaana ka mid ah long-haul COVID, post-COVID syndrome, iyo post-acute sequelae of COVID-19 (PASC). Kala duwanaashaha calaamda Long-COVID iyo suurtagalnimada sababaha keena oo kala duwan iyagana, siyaabo kala duwan ayaa loo daweeyaa dadka uu ku dhaco.
Dad intee la eg ayaa qaba Long COVID?
Cilmi baaristu waxay muujineysaa in 5% ilaa 10% dadka uu ku dhacay COVID-19 laga yaabo inay la kulmaan xaaladaha Long-COVID. Si kastaba ha ahaatee, kala duwanaashaha calaamadaha lagu garto iyo mudada uu qofka hayo, waxaa adag in la ogaado tirada saxda ah ee qaba Long-Covid.
Calaamadaha Long COVID Lagu garto
Calaamadaha la xiriira Long COVID waxay noqon karaan kuwo kala duwan oo saameeya dhinacyo badan oo caafimaad. In kasta oo qaar ka mid ah dadka ay la kulmi karaan calaamado badan, waxaa muhiim ah in la ogaado in aan qof kastaa aanay la kulmin dhammaan calaamadasha. Labada calaamd ee ugu badan waa:
- Daal joogto ah oo si xun u saameeya hawlaha maalinlaha ah ee qofka.
- Neefsashada oo qofka ku adkaata Qofka xitaa marka uu samaynayo howl fudud.
Intaa waxaa dheer, calaamadaha kale ee suurtogalka ah ee Long COVID waxaana ka mid ah:
- Isbedel ku yimaada dareenka urta ama dhadhanka (anosmia ama dysgeusia)
- Garashada oo yaraata oo loo yaqaan “Brain fog” (Sida in maskaxda ceeryaamo saaran tahay)
- Qufac joogto ah
- Madax xanuun
- hurdo la’aan
- Calaamadaha niyadjabka iyo walaaca
- Laab oo xanuun
- Wadno xanuun
- Dhibaatooyin xaga caloosha ah, sida shuban
Waxyaabaha sababa LONG-Covd iyo sida loo daweeyo kala soco qormada aan idinla wadaagi doono usbuuca danbe.