HealthNews

Dhibaatada ay leedahay sunta Lead ama maarta iyo Caawimaada Defgmada Hennepin

Sunta “lead” waxay si xun u dhaawacaysaa caafimaadka ilmaha waxayna u gaysaynaysaa dhibaatooyin badan. Inta la ogyahay dhibaatooyiinkaan waxaa ka mid ah:  

  • Dhaawac soo gaara maskaxda iyo habdhiska dareenka jidhka
  • Koritaanka ilmaha oo ragaada  
  • Dhibaatooyin dhanka waxbarashada oo ilmaha soo gaara
  • Dhibaatooyin soo gaara  maqalka iyo hadalka

Waxaa ayna sababi kartaa:

  • IQga ama garaadka oo hoos u dhaca  
  • In ilmuhu aanan si wanaagsan wax u dhagaysan
  • Waxbarashada oo ku adkaata ilmaha  

Waxa kale oo jira caddayn tusinaysa  in caruurta ku sumoowa leedhka ay u gaysan karto dhibaato mudo badan qaadata.  

In la ogaado in ilmuhi ku sumooween sunta leedhka aad ayay u adagtahay.  Inta badan carruurta ma laha calaamado muuqda oo degdeg ah. Haddii waalidku aaminsan yihiin in carruurtooda ay soo gaadhay sunta leedhka, waa inay la hadlaan dhakhtarka caafimaadka ilmahooda. Waxaa laga yaabaa inay u baahdaan in laga baaro sunta leedhka dhiiggooda.

 Barnaamijka sunta leedhka guryaha looga baarayo ee Hennepin County

Si aad ilmahaaga oga ilaaliso in suntani ay gaarto jidhkooda, ka qayb qaado barnaamijka Henneoin County ee bilaashka ah. 

Degmada Hennepin waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan, oo ay ku jiraan taageerada lagu ogaanayo lagana saarayo ranjiga qaba sunta leedhka  gurigaaga iyo wayaabaha kale ee guriga lagu isticmaalo.  

Yaa you Qalma

Milkiilayaasha guryaha la dhisay 1978dii ka hor, ama kiraysayaasha ayaa u qalma.  

Waa in guriga ay ku noolyihiin ilmo ka yar 6 sano ama ay soo booqdaan guriga. 

Guriga bilaash ayaa lagu baarayaa si loo ogaado in uu leeyahay sunta leedhka.

Degmada Waxaa ay bixinaysaa deeq gaaraysa  Ilaa $15,000  oo shaqada lagu qabanayo oo ay ku jiraan  in guriga loo sameeyo dariishado cusub. 

Buuxi foomkaan si aad u ogaato inaad u qalanto iyo in kale.

Hadii aadan aqoon English, Degmada Hennepin ayaa ku siinaysa turjumaan bilaash ah.  

Haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta foomka, fadlan nala soo xidhiidh telefoonka iyo emailka hoose si laguu caawiyo: 

612-543-4182

healthhomes@hennepin.us

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa geopolitical analysis.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts