Dugsiga Sare ee St. Louis Park ayaa la xiray jimcihii, iyadoo xiisadaha iyo wax-qabadyada dugsiga la joojiyay ka dib dagaal dugsiga ka dhacay Khamiistii. Dagaalkani ayaa waxaa ku lug lahaa arday iyo dad waawayn.
Laba qof oo waaweyn ayaa la xabsiga la geeyay. Qaar ka mid ah arday iyo shaqaalaha ayaa dhaawacyo fudud gaadhay intii ay socdeen iska horimaadyadii dhacay gelinkii danbe ee maalintii Khamiista. Sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay boga degmada.
Dagaalkii ugu horeeyay wuxuu dhex maray laba kooxood oo arday ah. Macalimiinta iyo shaqaalaha ayaa soo dhexgalay. Laakiin xaaladdu waxay sii dartay markii dad waaweyn oo aan ka shaqayn dugsiga sare oo wax ka ogaa dhacdadii hore ay isku dhaceen ardaydii, sida ay sheegeen maamulka dugsiga.
Shaqaalihii dugsiga iyo askartii bilayska ee ku sugnaa dugsiga intii uu dagaalku socday ayaa kala dhexgalay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay magaalada.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa sababay dagaalka. Saraakiisha degmada iyo booliiska ayaa baaritaan samaynaya jimcaha si dugsiga dib ugu furmo usbuuca soo socda.
“Ilaa hadda ma jiraan xog ku saabsan in hub la isticmaalay labada dagaalba” sida lagu sheegay boga dugsiga. “Waxaan si firfircoon u uruurineynaa macluumaadka waxaana si dhow ula shaqeyneynaa sharci fulinta si aan u fahamno baaxadda rabshadahaan, oo ay ku jiraan in cunsuriyn ay salka ku hayso.”
Waxaa kale oo la hakiyay dhamaan ciyaaraha kala duwan oo ay ku jiraan ciyaaraha fudud iyo ciyaarta kubbadda kolayga ee gabadhaha ee ay la ciyaarayeen dugsiga Benilde-St. Margaret.
Saraakiisha degmada ayaa sheegay in macluumaad dheeri ah lala wadaagi doono qoysaska marka ay wax badan ka ogaadaan wixii dhacay Khamiistii. Waxay sidoo kale ay sheegeen in amaanka la xoojin doono usbuuca soo socdo.
Waaxda Booliska ee St. Louis Park ma gayn booliis gaar u ah iskoolka tan iyo dabayaaqadii Agoosto, markii dhowr hay’adood ay dib ula laabteen booliiskii dugsiyada la gayn jiray iyagoo ka jawaabaya wax ka bedel lagu sameeyay sharciga xukumaya sida iyo goorta loo ogol yahay in booliisku adeegsadaan awood. Waaxdu waxay u xilsaartay wakiillo, oo hadda loogu yeero juvenile response officers, si ay u roondeeyaan xaafadaha ku hareeraysan dugsiyada degmada.
Saraakiishaas ayaa subax walba la kulma maamulayaasha dugsiga sida ay sheegtay afhayeenka degmada Rachel Hicks. Mid ka mid ah booliiskaan gaarka ah ayaa ku sugnaa dugsiga oo ahayd qiyaastii markii dagaalkii labaad uu qarxay.
Dhammaan dugsiyada kale ee ku yaal galbeedka metro waa ay furnaayeen sidii caadiga ahayd.