Gudoonka waxbarashada St. Louis Park ayaa ku baaqay in isbedel lagu sameeyo sharicga Minnesota, oo ku saabsan in qoysasku dooran karaan in caruurtooda aan loo akhrin buugaagta ka sheekeeya dadka LGBTQ+.
Codsigaan aya yimi ka dib markii lix qoys oo Soomaali ah ay ku hanjabeen inay dacweyn doonaan dugsiyada dadweynaha ee St. Louis Park, hadii degmadu diido codsigooda.
Sida uu dhigayo sharciga Minnesota, waalidiintu waxay xaq u leeyihiin inay dib u eegis ku samayn karaan manhajka waxbarashada caruurtooda, haddii ay ku qanci waayaan loona sameeyo qorshe waxbarasho oo macquul ah.
Bartamihii Febraayo, garyaqaanada matala qoysaska Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay guul kadib markii ay sheegeen in degmada St. Louis Park ay ogolaatay codsiyada waalidiinta.
Haseyeeeshee kulan ay yeesheen gudoonka degmada ayay guddiga si cad ugu sheegeen inay ka go’an tahay raacitaanka sharciga haseyeeshee ay aaminsan yihiin in sharciga wax laga beddelo. Qaar ka mid ah gudiga ayaa ugu baaqay in sharci dejinta gobolka ay caddeeyaan ilaalinta dadyowga xaqooda la dhawro (protected class) oo ay ku jiraan isirka, diinta, aqoonsiga jinsiga, iyo nooca galmada – aysan noqon karin waxyaabaha la diidi karo barashadooda.
“Sida uu sharcigani hadda u qoran yahay waxay la macno tahay in qof uu ka bixi karo fasalka sababtay dooniba ha ahaatee,” ayay tidhi Anne Casey oo ka tirsan gudoonka. “Haddii dadyowga la ilaaliyay aan laga reebin, qof ayaa dhahaya ma rabo in ilmahaygu wax ka barto dadka laga tirada badan yahay, Ma rabo in ilmahaygu wax ka barto dadka Yuhuudda ah. Ma rabo in ilmahaygu wax ka barto dadka naafada ah. Kuwaasi runtii dhammaantood waa sharci marka loo eego sharcigan hadda jira, taasina aniga ilama qumano.”
Qaraarka ayaa sidoo kale siinaya macalimiinta St. Louis Park waxyaabaha ay waalidiintu dib u eegi karaan iyo habka dib u eegista manhajka waxana uu cadeynayaa in macalimiintu aysan marnaba wakiil ka ahayn waalidka si ay u eegaan diidmada suurtagalka ah.
Qaraarka ayaa si cad u sheegaya in waxyaabaha fasalka lagu qurxiyo, dooda fasalka, qorshaha casharka ee macalinka, iyo buugaagta taala maktabada aysan ka mid ahayn waxyaabaha ay waalidiintu xaqa u leeyihiin in ay dib u eegis ku sameeyaan.
Dhamaan xubnihii gudiga ahaa oo gaarayay lix qof ayaa u codeeyay qaraarka. Waxaa meesha ka maqnaa Gudoomiye ku xigeenka Abdihakim ibrahim. Waxaa uu sheegay in uusan taageersanayn qaraarka hadii uu joogi lahaana uu ka codayn lahaa. Cabdixakiin ayaa intaa raaciyay “dadka sababo badan ayay casharada qaar oga baxaan, maxay oga duwan tahay marka Muslimiinta iyo Soomaalida ay codsadaan”.
Waalidiinta Soomaalida ee meesha yimi ayaa niyad jab ku tilmaamay qaraarka. Fadumo Irshad oo ka mid ah waalidiinta codsaday in caruurtooda aan la barin buugaagta LGBTQ+ ayaa tidhi “Aad bay iigu adkayd inaan ka qayb galo shirkii golaha degmada ee 28-kii Febraayo, halkaas oo guddigu uu soo saaray go’aan muujinaya cadaawadda loo qabo waalidiinta aaminsan diinta sida aniga oo kale, iyo waalid kasta oo jeclaan lahaa inay ogaadaan waxa carruurtoodu dugsiga ka baranayaan. Waa nasiib darro in guddiga dugsigu ay xeeladd cusub la yimaadaan. Bulshadeenu awalba waa la xaqiray, imikana waxa naloola dhaqmayaa sidii wax aan jirin”.
Waalidiintu waxay sii wadi doonaan u doodista xaqa ay u leeyihiin in ay eegaan manhajka una ogolaan caruurtooda casharrada ka hor imanaya diintooda, ayay tidhi.
Toney oo ah qareenka u doodayay Soomaalida ayaa tidhi “Guddiga dugsigu waxa uu si cad u muujinayaa cadaawadda uu u qabo macaamiisheena. Waxay xitaa qirteen inay doorbidi lahaayeen inay ka qariyaan waxa ay baranayaan waalidiinta intii ay siin lahaayeen ogeysiis hore sida sharcigu uu qabo.”
Waxay ku tilmaantay baaqa isbeddelka sharci-dejinta mid “cadaawad aad u daran” waxayna ku tilmaantay diinta in ay tahay waxyaabaha sahricga dhawray.
“Si dhaw ayaan ula socon doonaa xaalada si aan u hubinno in macaamiisheena -iyo waalidiinta kale ee Minnesota oo dhan – ay ilaashadaan xuquuqdooda,” ayay tiri.