Sponsored
HealthFeaturedLatest

Maxaad ka ogtahay dhibaatada ay sunta rasaasta u gaysato caruurta sidee baadse ooga hor tagi kartaa?

Qadar walbo oo ka mid ah sunta rasaasta ama lead waa ay dhibaataynaysaa caruurta. Xitaa qadarka ugu yar ee sunta lead waxay dhibaato u gaysanaysaa in ilmaha wax barto, feegignaado, hormarna ka sameeyo dugsiga. Warka farxada leh ayaa ah, in laga hortagi karo dhibaatadaan. Wax ka baro meelaha ay ka timaado suntaan iyo siyaabaha aad ooga hortagi karto in ilmahaaga sunta saamayso. 

Meelaha inta badan ay sunta Lead ama rasaasta ka imaato

Sunta Lead  waxa laga heli karaa halka ay carruurtu ku nool yihiin, ku ciyaaraan,  waxna ku bartaan.

  • Ringiga.  Guryaha la dhisay intii ka horaysay 1978dii, waxaad u tix galisaa in ringigoodu leeyahay sunta lead hadii aan baaritaan lagu cadayn in aysan lahayn.  Marka rinjigu duqoobo, wuu dildilaacaa kadibna dhulka ayuu ku soo daataa isaga oo jajab ama siigo ah.   Carruurtu way ku sumoowi karaaan hadii ay cunaan jajabka rigiga ama ay ku neefsadaan habaskiisa.  
  • Ciida: Jajabka  ka soo baxa ranjiga  lagu daray sunta rasaasta  ama lead,   haraaga baasiinka lagu daray lead, shidaalka diyaaradaha  iyo warshadaha,  dhjamaantood waxy u gudbiyaan sunta rasaasta ciida sanado badana waa ay ku baaqi ahaanaysaa.  Carruurtu waa ay ku sumoowi karaan ciidda markay cunaan ama ku neefsadaan marka ay ciyaarayaan.  Ciiddaan wasakhaysan waxaa ay soo raaci qaadan kartaa dharka ama kabaha sidaas ayayna guriga ku imanaysaa kadibna caruurta ayay saamaysaa.  
  • Biyaha:  Tuubooyinka biyaha qaarkood, tuubada alaabta lagu dhaqdo, iyo qalabka tuubooyinka biyaha waxaaa laga yaabaa inay ku jiraan sunta rasaasta oo geli karto biyaha la cabbo.
  • Badeecadaha.  Sunta Leadka ama rasaasta waxaa laga heli karaa alaabta caruurta ku ciyaarto, dahabka, iyo waxyaabaha lisku qurxiyo.Waxyaabaha lagu dhalaaliyo mutuleelka waxaa ku jira sunta lead ama sunta rasaasta.   
  • Cuntooyinka iyo daawooyinka dibadda laga keeno: Qaar ka mid ah nacnacyada, duubabka nacnaca, xawaashyada, waxyaalaha la isku qurxiyo, daawooyin dhaqameed,  laga soo iibsaday ama laga keenay meel ka baxsan Maraykanka waxaa laga yaabaa in ay leeyihiin sunta “lead”.
  • Shaqooyinka qaar:  Shaqooyinka qaarkood  sida shaqada samaynta koobabka aan miririn waxaa lagu daraa sunta leadka ama rasaasta. Taas waxay keeni kartaa in waalidiinta ay guriga keenaan sunta.  

Sideed ooga hortagi kartaa sunta rasaasta ama leadka. 

Waxa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto si aad qoyskaaga uga ilaaliso  sunta rasaasta.

Gurigaaga ka dhig mid aan lahayn sunta rasaasta ama leadka.

Hubi gurigaaga. Haddii aad ku nooshahay guri la dhisayintii ka horaysay 1978dii, guraaga waa in uu sunta ka baaraa baare haysta ogolaasho-dowladeed. Haddii aad kiraysato, weydii mulkiilahaaga inuu gurigaaga ka baaro sunta.  Halkan ayaad ka heli kartaa qof haysta ogolaasho- dowladeed https://www.epa.gov/lead

.

Hooyo iyo dhakhtarka ilmaheega

Hubi biyaha aad cabto. La xidhiidh hay’da biyaha ku siiso  si aad u ogaato in aad biyaha ka hesho tuubooyin leh sunta leadka ama rasaasta.  Haddii tubooyinka leeyihiin macdanta rasaasta ama “lead” qaad tillaabooyin aad ku yaraynayso ama aad ku baabi’inayso. Macluumaad dheeraad ah ayaad halkan hoose ka heli kartaa.  https://www.cdc.gov/lead-prevention/prevention/drinking-water.html.

Si badqab ah u dayactir gurigaaga. Dayactirka guryaha dhisan sida badalka ringiga ama xoqidiisa waxay keeni kartaa in sunta rasaasta ama leadka ay faafto. Haddii aad qorsheyneyso dayactir, isticmaal kaliya hababka la ansixiyay si aad uga hor tagto khataraha sunta rasaasta. Isticmaal qandaraaslayaasha haysta ogolaashaha  Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka. Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heli karaa halkaan https://www.epa.gov/lead.

Hubi in alaabtaadu aanay ku jirin sunta rasaasta

Ka fogow agabka caruurta ku ciyaaraan qaarkood.  Tooyada dibada laga keeno qaarkood  iyo waxyaabaha la isku qurxiyo waxaa ku jiri kara sunta lead. Halkan ayaad ka heli kartaa sawirada iyo tooyada suuqa laga saaray qaarkood.   cpsc.gov/recalls.

Ilaali badqabka jikada. Qaar ka mid ah ceramics-ka la soo dhoofiyo ama weelasha dhoobada waxaa lagu dhalaaliyaa sunta rasaasta. Dhallaalkani waxa laga yaabaa inuu wasakheeyo cuntada marka lagu kaydiyo ama lagu diyaariyo suxuuntaan.

Ka fogow daawooyin dhaqameed qaarkood iyo waxyaalaha la isku qurxiyo. Ka fogow isticmaalka daawooyin dhaqameedka (sida azarcon, greta, iyo pay-loo-ah) iyo waxyaalaha la isku qurxiyo (sida kohl iyo sindoor) oo ay ku jiraan macdanta rasaasta. Haddii aadan hubin in badeecada ay ku jirto sunta rasaasta, ha u ogolaan ilmahaagu inuu isticmaalo.

Ka digtoonow markaad cunayso cuntooyinka qaarkood. Ka fogow cunista xawaashyada, nacnaca, iyo cuntooyinka kale oo si aan sharciyaysneen dibada looga keenay. Cuntooyinka la soo saaray iyadoo la raacayo shatiga saxda ah iyo xeerarka waxay u badan tahay inay dhib u gaysanayn caruurta.

Qaad tillaabooyin maalinle ah si aad u ilaaliso caafimaadkaaga iyo kuwa ilmahaaga. 

Sii ilmahaaga cunto caafimaad leh. Cuntada isku dheeli tiran sida cuntooyinka leh  kalsiyum, feero, iyo fiitamiin C waxay jidhka ka caawisaa in uu saaro  sunta rasaasta. Qaar badan oo ka mid ah cuntooyinkan waxaa lagu iibsan karaa foojarrada cuntada ee barnaamijyada gargaarka cuntada. Si aad wax badan u barato, wac dhakhtarka carruurtaada ama booqo fns.usda.gov/wic

Dhaq gacmaha iyo alaabta carruurtu ku ciyaarto. Hubi in ilmahaagu dhaqo gacmahiisa iyo wajigiisa kadib marka ay dibada ku soo ciyaaraan.  Si joogto ah u maydh alaabta ay carruurtu ku ciyaaraan, kuwaas oo laga yaabo inay ku wasakhoobaan sunta rasaasta ee ciidda ama siigada guriga.

Kabaha bixi markaad guriga soo gasho. Kabaha iska siib markaad guriga soo gasho si aad uga hortagto siigada wasakhaysan ee rasaasta ku dhex faafisa guriga.

Is ilaali hadii aad ka shaqayso meel leh sunta rasaasta.  Haddii adiga ama qof kula nool uu ku shaqeeyo macdanta rasaasta,  iska badal dharka  ka hor inta aadan guriga iman. Kabaha iyo dharka shaqada waa in dibada looga soo tagaa, dharkana si gooni ah loo dhaqaa.  

Ka baar ilmahaaga sunta rasaasta. 

Kala hadal dhakhtarkaaga  caafimaadka sidii aad ilmahaaga oga baari lahayd sunta rasaasta ee dhiiga. Baaritaanka dhiiga ayaa ah habka ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo in cunuga uu la kulmay sunta rasaasta. Iyada oo la tix raacayo natiijada, dhakhtarka ayaa kuu sheegaya talaabooyiinka xiga.  

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts