FeaturedLatestNewsPoliticsPolitics and Leadership

Maxkamada Sare ee Colarado oo Trump ka mamnuucday doorashada xilka madaxwaynaha. Maxaa xigi kara?

Maxkamadda Sare ee Gobolka Colorado  ayaa Talaadadii ku dhawaaqday in madaxweynihii hore eee Maraykanka Donald Trump uusan u qalmin in uu dalka madaxwayne ka noqdo.  Go’aanka ayay ku saleeyeen  qodobka kacdoonka ee dastuurka Mareykanka, waxayna ka reebeen in uu ka qayb galo doorashada is-reereebka axsaabta dhexdooda. Arrintani ayaa la filayaa in ay maxkamada sare ee dalka soo faro galin doonto si ay go’aan uga gaarto in murashaxa ugu cad-cad ee xisbiga Jamhuuriga uu tartanka ka qayb qaadan karo iyo in kale.  

Go’aankaan  ka soo baxay maxkamad garsoorayaasheedu ay dhamaantood magacaabeen gudoomiyaasha Dimuqraadiga ayaa ka dhigan markii ugu horeysay taariikhda maraykanka in farqada 3aad ee qodobka 14aad loo isticmaalo  murashax madaxwayne. 

“Inta badan maxkamaddu waxay qabtaa in Trump laga reebay inuu sii hayo xafiiska madaxweynaha sida waafaqsan farqada 3ad ee qodobka 14-aad,” maxkamadda ayaa ku qortay go’aankeeda. Todobada xaakim ee maxkamada ayaa u codeeyay 3-4 halkaas oo uu go’aanka u batay aqlabiyada. 

Maxkamadda sare ee Colorado ayaa laashay go’aan kasoo baxay garsooraha maxkamadda degmada oo lagu helay in Trump uu kiciyay kacdoon ka dhan ah doorkii uu ku lahaa weerarkii 6-dii Jannaayo, 2021 lagu qaaday madaxtooyada, balse waxa uu sheegay in aan laga hor istaagi karin doorashada sababtoo ah ma cada in qodobkaasi si faahfaahsan u taabtay xafiiska madaxwaynaha.  

Maxkamadda ayaa go’aankeeda hakisay ilaa Janaayo 4teeda, ama ilaa Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay go’aan ka gaarto kiiska. Shaqaalaha doorashada Colorado ayaa sheegaya in go’aan kama danbays ah laga gaaro ka hor Janaayo 5teeda xiligaas oo la daabacayo kaararka doorashada.  

“Si fudud umaynaan gaarin go’aankaan,” ayay dhaheen aqlabiyadda maxkamadda. “Waxaan garowsanahay baaxada iyo miisaanka kiiska ina hor yaala. Sidoo kale waxa aanu ku baraarugsanahay waajibka culus ee na saaraan oo ah hirgalinta sharicga annagoon cabsi iyo eex lahayn, oo aynaan ku dhaqmin fal-celinta dadweynaha ee go’aamada sharcigu ina farayo   aanu gaadhno”.

Qareenada Trump ayaa balan qaaday in ay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka una gudbinayaan maxkamada sare ee dalka, taasoo leh go’aanka ugu dambeeya ee arrimaha dastuurka.

Chris Christie oo ah murashax madaxwayne oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga aadna u dhaliilo Trump ayaa xusay in Trump cod dadwayne lagu reebo ee aan loo adeegsan maxkamad. 

Guddoomiyaha guddiga qaranka ee xisbiga Jamhuuriga Ronna McDaniel ayaa go’aanka ku tilmaantay “faragelin doorasho” waxayna sheegtay in kooxda sharciga ee RNC ay doonayaan inay Trump ka caawiyaan la  dagaalanka xukunka.

Xukunkaan ayaa ka dhigaya mustaqbalka ololaha doorashada Trump mid mugdi ku jira. Tani waa caqabad aad u adag, “ayuu yiri Derek Muller, oo ah khabiir ku takhasusay sharciga doorashada oo ka tirsan Jaamacada Sharciga ee Notre Dame oo soo gudbiyay warbixin kooban oo ku saabsan baaritaanka sharci ee su’aalaha ugu muhiimsan ee maxkamada horyaala laakiin dhexdhexaad ka ahaa u-qalmitaanka Trump ee xilka madaxwaynaha.

“Waxay galisay dhammaan ololihii doorashada Trump khatar sharciyeed oo halis ah,” ayuu raaciyay. “Maxkamadda Sare waxaa la weydiin doonaa inay dhageysato kiiskan doorashada wax ka beddelaya, waxaa hubaal ah in maxkamada aysan jecleen in ay ka hadasho kiiskaan” . 

Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts