Afeef: Warbixintani waxaan ka soo xiginay wargayska The Minnesota Star Tribune. Waxaa turjumay soona koobay Abdirizak Diis.
Xabiiba Maxamed oo ah Qaxooti Soomaaliyeed oo hadda ku nool Minneapolis, ayaa walwal badan ka qabta dib u dhac ku imaada in ay dib ula midowdo hooyadeed. Cabsida ugu badan ayaa ka imanaysa rabitaanka Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump oo balan qaaday in uu xaddidayo qaabilaadda qaxootiga.
Safarka xabiiba ayaa soo bilowday 2018-kii markaasoo ay u qaxday xero qaxooti oo ku taal dalka Uganda kadib markii Al-Shabaab ay halis galiyeen nolosheeda oo ay beegsadeen maqaayada ay ka shaqeyn jirtay. Shan sano kadib, ayay dib ula midowday hooyadeed oo ku sugnayd xerada . Xabiibo ayaa heshay deganaasho maraykanka ah gaar ahaan Minneapolis, waxay ka cabsi qabtaa inay hooyadeed mar kale mudo kala maqnaadaan sababo la xiriira siyaasadda maamulka iman doona.
Xiligii uu madaxwaynaha ahaa Trump, qaxootiga Soomaalida ee Minnesota ayaa hoos u dhacay. tusaale ahaan, 2020kii 48 qof oo oo Soomaali ah ayaa wadanka soo gashay, halka 2024ka ay gaartay 1262 qof. taas waxay keentay keentay walaac ballaaran oo ay qabaan qoysaska sida Xabiibo oo kale in ay ku adkaato inay keenaan eheladooda.
Madaxweynaha dooran ayaa wacad ku maray in uu dib u soo celin doono xayiraaddii dhanka socdaalka iyo in la hakiyo qaabilaada qaxootiga, taasoo keentay in dadka weli ku nool xeryaha sida Nakivale ee dalka Uganda ay aad uga walaacsan yihiin mustaqbalkooda.
Nawaal Jaamac, oo ah qaxooti kale oo Soomaali ah oo ku guulaysatay in ay hesho dib u dejin haatana ku nool magaalada St. Paul, ayaa u naxsan dadka wali ku nool xerada qaxootiga ee Uganda.
Nawaal Soomaaliya ka soo carartay ka dib markii dil arxan daro ah loo gaystay aabaheed iyada oo yar. Nawaal ayaa Mareykanka ka heshay magangalyo laakiin waxay si joogto ah uga welwelsan tahay caqabadaha sugaya dadkeeda ay jeceshahay ee ku haray xeryaha qaxootiga sida inaadeerkeed.
Laali Maxamuud ayaa bishii hore dib ula midowday hooyadeed ka dib markii ay kala maqnaayeen muddo toban sano ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay la kulantay caqabado ka dhashay dib-u-doorashadii Trump, taas oo dib u dhac ku keentay hannaanka socdaalka qoyskeeda.