Xanuuno badan ayaa qofka la soo darsa kadib marka uu caabuqa COVOD 19 ku dhaco. xalladahaan ayay dhakhaartiirta u aqoonsadeen Long Covid ama saamaynta COVID ee dabadheeraata. Hadaba wax badan ka ogow waxa uu yahay Long Covid, astaamaha lagu garto iyo sida aad loo daweeyo.
Waa maxay Long COVID ama COVID ka saamaynta fod
Dadka qaar ee uu ku dhacay COVID-19 waxay la kulmi karaan saameyn waqti dheer qaadata oo uu keenay fayraska COVID 19, waxaana loo yaqaannaa Long COVID ama Post-COVID Conditions (PCC) OO macnaheedu yahay COVIDka Dheer. Covidka daba dheeraada waxaa lagu gartaa calaamado qofka ka soo daahira ka dib marka uu ku dhaco COVIDka. Sidani waxaa ku macnaysay Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha (HHS) iyadoo la kaashaneysa Xarunta Cilmi Baarista iyo Xakamaynta Cudurada (CDC).
Maxaad u baahantahay inaad ogaato?
COVIDka daba dheeraada waxaa ka mid noqon kara xaaalado caafimaad oo kala duwan oo ay ku jiraan kuwaan soo socda; xaaladahani waxay socon karaan toddobaadyo, bilo, ama sannado.
Fayraska dheer ee COVID-19 wuxuu ku badan yahay dadka aad ugu xanuunsaday COVID-19, laakiin qof kasta oo uu ku dhacay fayraska sababa COVID-19 wuu ku dhici karaa.
Dadka aan laga tallaalin COVID-19 oo uu haleelay waxay aad ugu dhaw yihiin inuu ku dhaco COVIDka-dheer marka loo eego dadka la tallaalay.
Fayraska SARS-CoV-2, ee keena COVID-19, dhowr jeer ayuu qofka ku dhici karaa. Mar kasta oo uu qofku ku dhaco SARS-CoV-2, waxay halis ugu jiraan inuu ku dhaco COVIDka-dheer.
Inkastoo inta badan dadka qaba COVID-19ka dheer ay ogyihiin in caabuqa ama jirrada COVID-19 uu ku dhacay mar hore, xaaladaha qaarkood, qofka qaba COVIDka-dheer waxaa laga yaabaa inaan laga helin fayraska ama aan la ogayn in cudurka ku dahcay. .
CDC iyo shurakadeeda waxay ka shaqeynayaan inay wax badan ka fahmaan dadka uu ku dhici karo COVID-ka dheer iyo sababta, oo ay ku jirto haddii dadka uu saameeyey COVID-19 ay halis sare ku jiraan.
Bishii Luulyo 2021, COVID-ka dheer waxaa loo aqoonsaday in uu keeni karo naafo marka loo eego Xeerka Naafada Ameerikaanka (ADA).
COVID-Ka Dheer
COVID-ka Dheer waa noocyo kala duwan yahay wuuna is badbadalaa, soo laalaabtaa, ama wuxuu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo ay dadku la kulmaan ka dib marka ay qaadaan fayraska sababa COVID-19. Inta badan dadka qaba COVID-19 waxay ku soo roonaadaan dhawr maalmood ilaa dhawr toddobaad gudahooda ka dib caabuqa, markaa ugu yaraan 4 toddobaad ka dib caabuqa waa bilawga marka ugu horeysa ee COVID-19 la aqoonsan karo. Qof kasta oo cudurka ku dhacay wuxuu la kulmi karaa COVIDka-dheer. Inta badan dadka qaba COVID-dheer waxay la arkaan astaamo maalmo ka dib markii ay ogaadeen inay qabaan COVID-19, laakiin dadka qaar oo markii dambe ku dhacay COVIDka dheer ma garanayn goorta ay qaadeen.
Ma jiro baaritaan go’aaminaya haddii calaamadahaaga ama xaaladdaadu ay sabab u tahay COVID-19. COVIDka dheer ma aha hal jirro. Dhakhtarkaga wuxuu qiimaynayaa taariikhdaada caafimaad iyo baaritaano dheeroi ah si uu u ogaado in xaaladaadu keentay COVID ka dheer.