Iyada oo laga jawaabayo baahida sii kordheysa ee daaweynta isticmaalka mukhaadaraadka ee dhaqan ahaan xasaasiga u ah bulshada Soomaaliyeed, Alliance Wellness Center ayaa furtay xarun loogu talagalay in lagu caawiyo haweenka da’da yar ee Bariga Afrika ka soo jeeda ee la tacaalaya balwadda, taasoo ah tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee aagga metro.
Yussuf Shafie, aasaasaha iyo maamulaha Alliance Wellness Center, ayaa dad badan ku soo dhaweeyay xarunta cusub ee xaafadda St. Paul Highland Park bartamihii bishii Oktoobar. Shafie ayaa qeexay in xarunta ay ka hawl-galaan xirfadlayaal aqoon durugsan u leh xagga dhaqanka, kuwaas oo si qoto dheer u fahmay baahiyaha haweenka da’da yar ee Bariga Afrika, kuwaas oo laga yaabo inay la kulmaan ceebayn, go’doon bulsho iyo dayacaad qoys.
Xaruntaan oo ah deegaan, oo qaada ilaa sideed qof, waxa ay bixisaa barnaamijyo iyo adeegyo ay ku jiraan daawayn-wadareed, daawayn u gaar ah shaqsiga, la-talinta dhaqanka ku haboon, iyo cunto xalaal ah. Hadafka ugu dambeeya waa in lagu hago haweenka la rafaadsan daroogada in ay sii buuxda uga soo kabtaan uguna diyaariyaan in ay dib ugu laabtaan bulshada.
Shafie wuxuu sheegay in xarun u gaar ah dumarka ay lama huraan tahay sababtoo ah farqiga weyn ee u dhexeeya sida dhaqanka Soomaalidu u arko haweenka da’da yar ee u doonaya in ay ka soo kabtaan daroogada. Dadku waxay u arkaan in auy yihiin dad xun, waxayna ugu yeeraan magacyo, waxayna noqdaan kuwo bulshada ka go’an, taasina maaha mid wanaagsan,” ayuu yidhi, isagoo raaciyay in haweenka looga baahan yahay inay dareemaan ammaan iyo taageero marka laga dawanayo daroogada.
Shafie ayaa tilmaamay baahida loo qabo xarun dumarka gaar u ah halkaas oo ay ka helaan barnaamijyo sida daawaynta shakhsi ahaaneed iyo mid wadareed, oo ay barayaan sababta ku kaliftay balwada iyo sida ay oga soo kaban karaan.
Marka loo eego xogta ay soo dhigtay degmada Hennepin shabakadeeda, Minnesota waxa ay wajahday tiradii ugu badneed ee dhimashada isticmaalka maandooriyaha 2021. Isugeyn 1,286 qof ayaa u dhintay daroogo, 22% ka badan sanadkii hore. In ka badan 8% dadka qaangaarka ah ee ku nool Minnesota waxay la daalaa dhacayaan isticmaalka mukhaadaraadka, haddana 10% keliya ayaa hela taageerada lagama maarmaanka ah. Degmada Hennepin oo keliya, 80,000 oo qaan-gaar ah ayaa la rafaadsan isticmaalka mukhaadaraadka, laakiin 8,000 oo keliya ayaa gargaar hela.
Dhibaatada isticmaalka mukhaadaraadka waxay saaamaynta ugu badan ku leedahay bulshooyinka BIPOC ee Minnesota. Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ayaa sheegtay in dhimashada xad dhaafka ah ay kor u kacday 44% iyo 39% siday u kala horreeyaan dadka aan Hisbaaniga ahayn ee laga tirada badan yahay iyo kuwa Hindida Maraykanka ah ama Dhaladka Alaska inta u dhaxaysa 2019 iyo 2020.
Alliance Wellness Center, oo ah xarun dawaysa balwadda kuna taal Bloomington, waxay bixisaa adeegyo ku salaysan dhaqanka. Shafie, oo haysta shahaadada talo bixintya maandooriyaha iyo khamriga, ayaa u asaasay si ay u bixiso daawaynta dhaqan ahaan ku habboon soogalootiga Bariga Afrika. Xaruntan ayaa bixisa adeegyo bukaan-jiif iyo kuwo bukaan-socod ah, iyadoo tan iyo markii la furay xarunta ay caawisay dhallinyaro badan inay ka soo kabtaan isticmaalka daroogada.
Sahra Xasan oo ka mid ah waalidiinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa Sahan Journal u sheegtay in haweenka da’da yar ee qaba dhibaatooyinka balwadaha ay yihiin kuwo nugul oo inta badan laga faa’iidaysto maadaama qoysaskoodu dayaceen. “Haddii gabadhu daroogo isticmaasho, waxaanu u aragnaa inay tahay qof dhintay, mana helaan fursad baxnaanin ah,” ayay tidhi. Sumcadda qoyska ee dhaqamada Bariga Afrika waxay si adag ugu xidhan tahay hab-dhaqanka hablaha, ayay tiri Sahra. Waxay ka codsatay dadwaynaha inay taageeraan oo ay ku hayaan haweenka da’da yar guriga haddii ay dhib qabaan halkii ay ka tegi lahaayeen marka ay aadka ugu baahan yihiin gargaarka.
Deeqa Xuseen oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa muujisay sida ay uga xun tahay dhibaatada haysata qaar ka mid ah gabdhaha bariga Afrika ee ay ku aragto waddooyinka Minneapolis iyo jaranjarooyinka guryaha waaweyn. Qaar baa darbiga ku dhala kadibna ilmaha waa laga qaataa sababtoo ah ma caawin kareaan.
Deeqa waxay sheegtay inay si adag u aaminsan tahay in qof walba uu soo kaban karo, iyadoon loo eegayn xaaladahooda. “Weligay uma malaynayn in wiilkayga Cabdiraxmaan Warsame uu waligii isbeddeli doono, laakiin wuu is beddelay,” ayay tidhi. Cabdiraxmaan Warsame, oo 25 jir ah, horeyna uisticmaali jiray balwada, ayaa u ololeeya in meesha laga saaro dhaqanka ceebaynta. Waxa uu qoray gabayga “From Addict to Advocate” wuxuuna aasaasay Generation Hope, oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo isku dayaya in uu hoos u dhigo isticmaalka maandooriyaha ee bulshada Bariga Afrika.