Governor Tim Walz ayaa qalinka ku duugay sharci Cucub oo siinaya darawalada Uber iyo Lyft khidmad saraysa maanta oo talaado ah ka dib markii uu kulan dabaal deg ah ku qabtay xafiiskiisa. Saxiixa Walz ayaa imanaya sanad kadib markii uu diidmada qayaxan ku diiday sharci khidmad sare siinaya darawalada.
Khidmada cusub ayaa noqonaysa $1.28 halkii mile iyo 31 centi daqiiqadii gobolka oo dhan, ayay darawalada iyo dadka u oleleeya arimaha bulshada aad ugu riyaaqeen. Haseyeeshee, khidmadani waxay ka hoosaysa halkii ay darawalada iyo xldhibaanada dimuquraadiga hiigsanyeen. Xildhibaanada ayaa rajaynaya in qiimaha sare u kaco %20 kadib marka uu dhaqan galo 1da December ee sanadkaan 2014.
Sharcigaan cusub ayaa sidoo kale siinaya darawalada faa’idooyiinka caafimaadka, caysmika, iyo shaqo-ka-fariisiga.
Walz waxa uu sheegay in uu saxiixay mushaharka cusub ee ugu yar iyo ilaalinta kale ee darawalada taas oo lagu yaqaan reer Minnesota inay u dagaalamaan shaqaalaha, iyo soogalootiga qaata shaqooyinka adag ee Maraykanka.
“Shaqooyinka aad heli karto waa shaqooyinka aad qabato, laakiin shaqadu waa inaysan ku dilin,” ayuu yidhi Walz.
Xildhinbaanad Hodan Hassan iyo Sen. Omar Fateh oo qoray biilka aqalka hoose iyo kan sare ayaa u mahad naqay darawada sida ay isu abaabuleen adkaysina u muujiyeen.
Hi there, I just finished reading your post, and I have to say it’s really insightful! You’ve covered some key points that many people often overlook. I especially appreciated the way you explainedthis article. It’s something I can definitely relate to and I think it will benefit a lot of readers. I also wanted to add that I’ve been exploring a similar topic over at my website, where I discuss [mention something relevant to the post but related to your content]. It’s interesting to see how our ideas align in some areas, and I’d love to hear your thoughts on it! Thanks again for sharing such valuable information. Keep up the great work!
Thanks for the kind comments. Please refer to the email on the website to connect.