Hogaamiyayaasha bulshada ka soo jeeda Koonfur-bari Aasiya ayaa hogaaminaya olole xooggan oo lagu boorinayo madaxweyne Joe Biden iyo Ukraine inay dib u eegaan adeegsiga bambo-wadareedka dagaalka ay kula jiraan Ruushka. Iyaga oo soo xiganaya burburkii ba’naa ee laga dhaxlay bambooyiinkaan Koonfur-bari Aasiya, gaar ahaan magaalada Laos xiligii dagaalkii Vietnam. Waxaa ay ku doodayaan in geynta hubkan ay horseedi doonto dhibaato sii jirta muddo dheer iyo khasaare soo gaara rayidka.
Bishii Luulyo, Madaxweyne Biden wuxuu ballan qaaday inuu u siin doonio Ukraine babbooyiinkaan, isagoo ku andacoonaya in milatariga Ukraine ay soo wajahday gabaabsi saanad oo ay kula dagaallamayaan gardarrada Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, bambaanooyinka xirmada waxaa si caalami ah u mamnuucay Qaramada Midoobay iyo in ka badan 100 waddan, oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Ciraaq, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Kanada. Mareykanka ayaa diiday inuu saxiixo mamnuucidaan, isagoo la safan wadamada sida Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee sii wada isticmaalka hubkan.
Lee Pao Xiong, oo ah maamulaha Xarunta Daraasaadka Hmong Jaamacadda Concordia ee St. Paul, ayaa walaac xooggan ka muujiyay isticmaalka bambaanooyinka cluster-ka. Waxa uu soo jiitay cawaaqib xumada ka dhalan karta rasaastan ku dhawaad nus qarni ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii Vietnam, gaar ahaan Laos. Laos ayaai ah dalka ugu badan ee lagu garaacay bambooyiin marka la eego dadka ku nool, iyadoo in ka badan 13 milyan oo tan oo bambooyinka xirmada lagu riday intii uu socday dagaalka.
Wadada caanka ah ee Ho Chi Minh, oo marta waqooyiga Laos, ayaa Maraykanku si aad ah u bartilmaameedsaday sababtoo ah ciidamada Waqooyiga Vietnam ayaa saadka u marin jiray Koonfurta Vietnam. Nasiib darro, bambaanooyin badan ayaan qarxin kuwaas oo halis ku ah dad badan ilaa maanta.
U dhaqdhaqayaasha waxay xuseen khasaaraha ba’an ee ka dhalan kara bambooyiinkaan aan qarxin maxaa yeelay waxay galaafteen nolosha in ka badan 200,000 oo qof oo ku nool Laos, Cambodia, iyo Vietnam. Dhibanayaasha waxaa ka mid ah beeraley aan waxba galabsan oo beeranayay dhulka iyo caruur moodayay babbooyiinka alaab ay ku ciyaaraan.
Sera Koulabdara, Maamulaha Legacies of War, oo ah hay’ad u dooda in meesha laga saaro bambaanooyinka aan qarxin, ayaa ka codsatay Madaxweyne Biden inuu dib u eego dalabka Ukraine. Waxay ku nuuxnuuxsatay in babo-wadareedka ay galaafan doonto nolosha ragga, haweenka, iyo carruurta Yukreeniyaanka hadda iyo tobanka sano ee soo socda. Ururkeedu waxa uu ka digaya in taariikhda dib loo soo celiyo.
Bambaanooyinka xirmada, marka la rido, waxay u kala firdhiyaan daraasiin ama xitaa boqolaal bambooyinka yaryar ah oo gaaraya aag aad u ballaaran, taasoo dadka rayidka ah ka dhigaysa kuwo si gaar ah ugu nugul saameyntooda aan loo meel dayin. Diyaarado ayaa ku ruusheeyay Laos, taasoo ka tagtay dhaxal xun oo ah babooyinka aan qarxin.
Bambaanooyinka xirmada waxay si gaar ah waxyeelo ugu geysteen dadka rayidka ah ee adduunka oo dhan. Dadka rayidka ah ayaa 97 boqolkiiba ka ah dhaawacyada uu hubkani keeno adduunka oo dhan, iyadoo in ka badan 60 boqolkiiba dhibanayaasha ay yihiin carruur. Laos oo keliya, in ka yar 10 boqolkiiba bambaanooyinka xirmada ee aan weli qarxin ayaa la burburiyay.
Hogaamiyayaasha bulshada Hmong ee Minnesota, oo xidhiidh dhow la leh Laos, ayaa ku nuuxnuuxsaday in isticmaalka bambooyinka xirmada ee Ukraine aanay waxyeello u geysan doonin dadka rayidka ah hada kaliya ee ay ka dhalanayso dhibaato dhaqan iyo dhaqaale jiilal badan.
Iyadoo hoggaamiyeyaasha bulshada Koonfur-bari Aasiya ay ka soo horjeedaan isticmaalka bambooyinka, waxay rajeynayaan in codkooda ay maqli doonaan go’aamiyaasha go’aanada, xalna u raadiyaan khilaafka, taas oo mudnaan siinaysa badbaadada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee dhibanayaasha u ah isku dhacyada hubaysan.
Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.