News

Maxay tahay sababta ay Hogaanka qoymiyada Hmong oogu baaqayaan dowlada maraykanka in ay dib u eegto isticmaalka bambo-wadareedka Yukreen kudaheeda?

Hogaamiyayaasha bulshada ka soo jeeda Koonfur-bari Aasiya  ayaa hogaaminaya olole xooggan oo lagu boorinayo madaxweyne Joe Biden iyo Ukraine inay dib u eegaan adeegsiga bambo-wadareedka  dagaalka ay kula jiraan Ruushka. Iyaga oo soo xiganaya burburkii  ba’naa ee laga dhaxlay  bambooyiinkaan Koonfur-bari Aasiya, gaar ahaan magaalada Laos xiligii  dagaalkii Vietnam. Waxaa ay ku doodayaan  in geynta hubkan ay horseedi doonto dhibaato sii jirta muddo dheer  iyo khasaare soo gaara rayidka.

Bishii Luulyo, Madaxweyne Biden wuxuu ballan qaaday inuu u  siin doonio  Ukraine babbooyiinkaan, isagoo ku andacoonaya in milatariga Ukraine ay soo wajahday gabaabsi saanad   oo ay kula dagaallamayaan gardarrada Ruushka. Si kastaba ha ahaatee, bambaanooyinka xirmada  waxaa si caalami ah u mamnuucay Qaramada Midoobay iyo in ka badan 100 waddan, oo ay ku jiraan Afgaanistaan, Ciraaq, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Kanada. Mareykanka ayaa diiday inuu saxiixo mamnuucidaan, isagoo la safan wadamada sida Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka ee sii wada isticmaalka hubkan.

Lee Pao Xiong, oo ah maamulaha Xarunta Daraasaadka Hmong  Jaamacadda Concordia ee St. Paul, ayaa walaac xooggan ka muujiyay isticmaalka bambaanooyinka cluster-ka. Waxa uu soo jiitay cawaaqib xumada ka dhalan karta rasaastan ku dhawaad nus qarni ka dib markii uu dhamaaday dagaalkii Vietnam, gaar ahaan Laos. Laos ayaai ah dalka ugu badan ee lagu garaacay bambooyiin marka la eego dadka ku nool, iyadoo in ka badan 13 milyan oo tan oo bambooyinka xirmada lagu riday  intii uu socday dagaalka.

Wadada caanka ah ee Ho Chi Minh,  oo marta waqooyiga Laos, ayaa Maraykanku si aad ah u bartilmaameedsaday sababtoo ah ciidamada Waqooyiga Vietnam ayaa saadka u marin jiray  Koonfurta Vietnam. Nasiib darro, bambaanooyin badan ayaan qarxin kuwaas oo halis ku ah dad badan ilaa maanta.  

U dhaqdhaqayaasha  waxay xuseen  khasaaraha ba’an ee ka dhalan kara bambooyiinkaan aan qarxin maxaa yeelay waxay  galaafteen nolosha in ka badan 200,000 oo qof oo ku nool Laos, Cambodia, iyo Vietnam. Dhibanayaasha waxaa ka mid ah beeraley aan waxba galabsan oo beeranayay  dhulka iyo caruur  moodayay babbooyiinka  alaab ay ku ciyaaraan.

Sera Koulabdara, Maamulaha Legacies of War, oo ah hay’ad u dooda in meesha laga saaro bambaanooyinka aan qarxin, ayaa  ka  codsatay Madaxweyne Biden inuu dib u eego dalabka Ukraine. Waxay ku nuuxnuuxsatay in babo-wadareedka ay galaafan doonto nolosha ragga, haweenka, iyo carruurta Yukreeniyaanka hadda iyo tobanka sano ee soo socda. Ururkeedu waxa uu  ka digaya in taariikhda dib loo soo celiyo.

Bambaanooyinka xirmada, marka la rido, waxay u kala firdhiyaan daraasiin ama xitaa boqolaal bambooyinka yaryar ah oo gaaraya aag aad u ballaaran, taasoo dadka rayidka ah ka dhigaysa kuwo si gaar ah ugu nugul saameyntooda aan loo meel dayin. Diyaarado ayaa ku ruusheeyay Laos, taasoo ka tagtay dhaxal xun oo ah babooyinka aan qarxin.

Bambaanooyinka xirmada waxay si gaar ah waxyeelo ugu geysteen dadka rayidka ah ee adduunka oo dhan. Dadka rayidka ah ayaa 97 boqolkiiba ka ah dhaawacyada uu hubkani keeno adduunka oo dhan, iyadoo in ka badan 60 boqolkiiba dhibanayaasha ay yihiin carruur. Laos oo keliya, in ka yar 10 boqolkiiba bambaanooyinka xirmada ee aan weli qarxin ayaa la burburiyay.

Hogaamiyayaasha bulshada Hmong ee  Minnesota, oo xidhiidh dhow la leh Laos, ayaa ku nuuxnuuxsaday in isticmaalka bambooyinka xirmada ee Ukraine aanay waxyeello u geysan doonin dadka rayidka ah hada kaliya ee ay ka dhalanayso dhibaato dhaqan iyo dhaqaale jiilal badan.  

Iyadoo hoggaamiyeyaasha bulshada Koonfur-bari Aasiya ay ka soo horjeedaan isticmaalka bambooyinka, waxay rajeynayaan in codkooda ay maqli doonaan go’aamiyaasha go’aanada, xalna u raadiyaan khilaafka,  taas oo mudnaan siinaysa badbaadada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee  dhibanayaasha u ah isku dhacyada hubaysan.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

I am an impassioned news blog writer, a dynamic force in the ever-evolving world of digital journalism. With a keen eye for detail and a commitment to truth, I navigate the complex web of information to bring readers timely and insightful news stories.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts