Madaxweyne Joe Biden ayaa codsaday in aad loo dhimo dhaqaalaha loo qoondeeyay dugsiyada gaarka loo maamulo (charter schools) soo jeedinta miisaaniyada sanadaka 2025.
Biden ayaa gudbiyay codsigiisa miisaaniyada Isniintii, waxaa uuna codsigiisa ku daray in la kordhiyo dhaqaalaha loo qoondeeyay wazaarada waxbarashada 3.9%, taasoo ka dhigaysa wadarta miisaaniyada wasaarada $82 bilyan.
Qaybaha loo kordhiyay dhaqaalaha waxaa ka mid ah deeqaha gobolada siiyaan barnaamijyada barashada xirfadaha iyo farsamada( career and technical education programs) iyo barnaamijyada ka soo kabashada COVID 19 sida waxbarashda xiliga dugsiga ka dib. Si kastaba ha ahaatee, maalgelinta Barnaamijka Dugsiyada Charterada (CSP), oo ah isha kaliya ee dhaqaale ahaan taageerta wadanka oo dhan marka la furayo dugsi cusub ayaa wajahaysa dhimis $40 milyan ah.
Haddii la ansixiyo, maalgelinta CSP waxay noqon doontaa $400 milyan halka ay hada tahay $440 milyan. Dadka u ololeeya dugsiyada gaarka ah ayaa si adag ooga hor yimid soo jeedinta Biden waxaa ayna ku tilmaameen in ay “fariin qaldan u dirayso qosaska.
“Dugsiyada Charterka waxaa lagu dhigtaa bilaash, dadka oo dhana waa ay u firan yihiin. Dugsiyadan gaarka ah waa halbowlaha nolosha ardayda dalka oo dhan,” the National Alliance for Public Charter Schools (NAPCS) ayaa sidaas yidhi Isniintii. “Maamulka Biden waa in uu diiradda saaraa sidii uu u yarayn lahaa culayska xeerarka macno darada ah oo lagu dhibo chartarada halkii uu lacagta ka dhimi lahaa.”
Inta badan ardayda dhigata dugsiyada gaarka loo maamulo ayaa ah bulshooyiinka dakhligoodu hooseeyo, sida ay sheegtay NAPCS. Isbahaysiga dugsiyada charterada ayaa ku dooday in qoysasku u baahan yihiin dugsiyo ka jawaaba baahida ardayga iyagoo xusay in arday badan ay sugayaan fursad ay ka helaan dugsiyada gaarka loo maamulo
Angela Morabito, oo ah af hayeenka Defense of Freedom Institute hore u soo noqotay Af-hayeenka wasaarada waxbarashada ayaa ku nuuxnuuxsatay in soojeedinta Biden ay tahay taageero iyo dhiiri galin uu siinayo ururada macalimiinta.
Daraasad ay samaysay EdWeek waxay muujinaysaa in kobaca dugsiyada charter ka uu ka sare maray kan dugsiyada dadwaynaha. Diiwaangelinta ardayda dugsiyada Charter ka waxay korodhay 7% intii u dhaxaysay dayrtii 2019 iyo 2020, halka dugsiyada dadwaynuhu lumiyeen 4% ardayda.
Xoghayaha waxbarashada Miguel Cardona ayaa ku farxay soo jeedinta Biden Isniintii, isagoo sheegay in miisaaniyada la soo jeediyay “ay sare u qaadayso” waxbarashada.
“Madaxweynuhu waxa uu mudnaanta siinayaa miisaaniyadaan mas’uuliyadda maaliyadeed isagoo samaynaya tillaabooyin geesinimo leh si loo yareeyo farqiga waxbarashada” ayuu yiri Cardona.