EducationFeaturedLatestNews

Waa sidee xaalka ardayda sooman ee dhigata dugsiyada Maraykanka

Inkastoo ardayda Muslimiinta ah ay aad u yaryihiin marka loo eego ardayda dhigata dugsiyada Maraykanka, waxaa si weyn oga dhexmuuqdaan bulshooyinka qaar, taas oo keentay in dugsiyada dadwaynuhu ay aad uga taxadaraan baahidooda inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan  oo ardaydu soomanyihiin maalinta oo dhan, taas oo ah waajib diini ah. 

Tusaale ahaan, gudaha Dearborn, Michigan – halkaas oo ku dhawaad kala badh 110,000 oo of oo degan halkaasi ay ka soo jeedaan carabaha,  macallimiinta dugsiyada dadweynaha iyo shaqaaluhu waxay ku dadaalaan inay u fududeeyaan ardayda Ramadaanka.

“Waxaan u ogolaanaa ardayda inay muujiyaan caqiidadooda maadaama aysan  carqalad ku ahayn howlaha dugsiga,” ayuu yiri afhayeenka Dearborn Schools David Mustonen. “Waxaan sidoo kale isku daynaa inaan u helno goobo ama waxqabadyo ay sameeyaan xiliga qadada ardayda sooman.”

Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in ardaydan looga baahan yahay in ay dhameeyaan dhamaan shaqooyinka loo diray.

St. Paul, Minnesota, Dugsiga Hoose ee  East Afrikan Magnet School ee uu maamulaha ka yahay Dr. Cabdisalaan Aadam ayaa ardayda sooman u xiray qayb ka mid ah maktaba si ay u sameeyaan akhrinta buugaagta uuna caawinayo macalin. Sida uu sheegay maamulaha C/Salaan Aadan.  

Dugsigaan oo ay dhigtaan arday gaaraysa 220, ayaa la furay dayrtii hore isagoo qayb ka ah dugsiyada dadwaynaha St. Pual manhajkana isku mid ka yihiin. Haseyeeshee wuxuu kaga duwan yahay in uu xooga saarayo barashada Afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo bulshooyiinka kale ee ka soo jeeda geeska Africa. Cabdisalaan aadam ayaa sheegay in 90% ardayda dhigata ay yihiin Soomaali Muslimiin ah.  

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts