LIFE
Work & LifeBusinessFeaturedLatestNews

Khidmad bixinta Uber iyo Lyft oo Jahwareer ku riday madaxda gobolka Minnesota kadib codbixintii gudoonka magaalada Minneapolis

Gov. Tim Walz ayaa ugu baaqay golaha deegaanka Minneapolis inay dib u eegaan go’aankii ay ku gaareen in khidmada loo kordhiyo darawalada uber iyo lyft ka hor inta aysan Uber iyo Lyft ka dhabayn go’aankooda ah in ay ka baxaan gobolka.  

“Aan dib isugu soo noqono si aan arrintaan xal oga gaarno,”   ayuu yiri ka dib shir jaraa’id oo miisaaniyada la xiriira oo ka dhacay Capitolka.

Walz waxa uu sheegay in uu jeclaan lahaa in uu helo xal gobolka oo dhan ah oo ku saabsan mushaharka darawalka. Waxaa uu eedayn u jeediyay gudoonka golaha deegaanka Minneapolis isaga oo ku eedeeyay in ay gaareen go’aan iskooda ah oo saamaynaya gobolka oo dhan iyaga oo aan hayn qorshe 2aad oo bixiya adeega.  Iyadoo golaha minneapolis aan laga sugayn in ay go’aanka ka laabtaan, Walz wuxuu sheegay inuusan rajo ka qabin xildhibaanada gobolka in ay xal keenaan. 

“Waxaan diyaar u nahay inaan isku dayno oo aan ka ciyaarno door,” guddoomiyaha ayaa yiri. “Laakiin mar labaad, aad ayaan u niyad jabay sababtoo ah waxaan u arkaa tan inay tahay baahi loo baahan yahay, hadii la waayana xal ma ahan inaan u malayno in cid kale ay baaahidaasi dabooli doonto.”

Xildhibaanada labada xisbi ayaa soo gudbiyay soo jeedino kala duwan oo uu gobolka kula wareegayo in uu maamulo rideshareka. Uber iyo Lyft ayaa sheegay in ay gobolka ka baxayaan Maayo 1deeda.  Uber waxay sheegtay inay joojinayso adeega metro oo dhan halka Lyft ay sheegtay inaysan ka shaqayn doonin Minneapolis sababtoo ah golaha ayaa ka horyimid diidmada qayaxan ee  Maayar Jacob Frey ee bixinta mushaarka ugu yar. 

Qaar badan oo ka mid ah wadayaasha gaadiidka ayaa ka cawday in ay sii adkaaneyso in ay nolol maalmeedkooda ka helaan, iyadoo xitaa macaamiishu ay arkeen kor u kaca qiimaha lagu raaco gaadiidka. Arrinta mushaharka ayaa soo shaacbaxday dabayaaqadii kalfadhiga sharci-dejinta ee 2023 Walz waxa  uu diidey biil lagu kordhinayo mushaharka darawalka. Waxaa uu magacaabay gudi ujeedadiisu tahay in la sameeyo sharci 2024.

“Xaqiiqdii waxay tahay inaan doonayno in darawalada khidmada loo kordhiyo, waxaan sidoo kale rabnaa in mushaarka laga dhigo heer ay shirkadaha ugu sii jiri karaan ganacsiga.”   

GLEN STUBBE STAR TRIBUNE<br>Bill sponsor Sen Omar Fateh DFL Minneapolis sits with Shannon Perry a driver since 2012 and Lyft driver since 2016 as she wipes tears from her eyes while speaking before the Minnesota Senate Labor Committee about the challenges of driving for transportation services in Minnesota on March 12 in St Paul

Sen. Omar Fateh, DFL-Minneapolis, ayaa horraantii bishan soo bandhigay sharci dejinaya heerka mushaar bixinta gobolka oo dhan, Gudoomiyaha ayaa diiday si la mid ah biilkiisii hore.  Fateh ayaa sheegay in sharcigaas dib loo soo noolayn karo kalfadhiyada soo socda.  

Aqalka Jamhuuriga ayaa soo jeediyay arrin cusub Isniintii.  Rep. Elliott Engen, R-White Bear Township, ayaa soo bandhigay sharci mamnuucaya sharci kasta oo maxalli ah oo ku saabsan  takaasida, isaga oo awooda oo dhan siinaya gobolka. Wuxuu ku tilmaamay sharciga Minneapolis mid wax lagu hagaajinayay, balse wuxuu sheegay in darawaladu ay hadda ka walaacsan yihiin shaqo la’aan. Engen waxa uu sheegay in  xisbiga Dimuquraadiga uusan taagero ka haysan. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts