JusticeFeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Golaha magaalada Brooklyn Center oo ka hor yimid sharci lagu mamnuuci lahaa in booliisku baaraan baabuurta. 

Golaha Magaalada Brooklyn Park Center ayaa  diiday mooshin ka mamnuuci lahaa booliiska in ay baabuurta joojiyaan hadii khaladaad taraafik oo yar ay galaan. Golaha oo ka kooban shan xubin ayay sadex ka mid ahi ka soo horjeesteen qaraarka halka labo xubin ay u codaysay.  

Dareenka goobjoogayaasha ayaa aad u kacsanaa markii codaynta ay dhacday ka dib. Gudi loo xilsaaray in ay baaritaan sameeyaan ka dib markii sarkaal ka tirsan booliiska magaalada Kibberley Potter ay toogatay Daunte Wright bishii Abriil 2021. Gudigaan ayay sadex sano ku qaadatay in ay soo saaraan qaab lagu yarayn karo dilka ka dhasha marka ay booliisku joojiyaan baabuurta gala khalad taraafik.  Gudigaan ayaa ku taliyay in booliiska laga mamnuuco in ay baaraan baabuurta ay u joojiyaan khaladaad yar yar hadii aysan jirin sabab macquul ah iyo cadaymo muujinaya in darawalka lala xiriirinayo dambi.

Wright hooyadiis, Katie Wright, ayaa canaanatay golaha go’aankooda ka dib.

“waxaad tihiin dad  xun, dad badan ayaa la dili doonaa sababtoo ah shaqadiina ma qabsanaysaan,” Katie Wright ayaa tiri, iyada oo ilmaynaya. “Saddex sano ayaan dagaalamayay, wiilkeygu wuxuu dhintay labo sano iyo 9 bilood ka hor, sideed ku diidi kartaan sharci dadka lagu ilaalinayo.”

Maamulka magaalada ayaa assaasay Guddiga Hirgelinta Badbaadada iyo Kahortagga Rabshadaha ka dib markii ay booliisku toogteen Wright iyo Kobe Dimock-Heisler. Wright ayaa la  dilay kadib markii loo joojiyay khalad taraafik. Potter ayaa si qalad ah u isticmaashay bastooda iyada oo moodaysay taser. Dimock-Heisler ayaa lagu dilay gurigiisa sanadka 2019.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts