NewsFeaturedLatest

Hadii aadan wali canshuurta xarayn, waxaad heli kartaa fursad aad ku xarayso.

Maanta oo Isniin ah, Abriil 15 waa Maalinta ugu danbaysa ee canshuur xaraynta, laakiin ha ka baqin, haddii aadan weli diyaar u ahayn inaad xareyso.  Reer Minnesota waxay haystaan fursad ay ku xaraysan karaan canshuurta.  

Canshuuraha Gobolka Minnesota

Waaxda Dakhliga ee Minnesota waa inay  hesho canshuur celinta gobolka si elektaroonig ah ama jeeg ku taariikhaysan Abriil 15, 2023. Haddii canshuur laguugu leeyahay sanadkan, waa inaad bixisaa 15-ka, xitaa haddii aad canshuurta xarayso xili danbe. 

Uma baahnid inaad buuxiso foom ama wax xaraysid si aad u hesho waqti kordhin canshuuraha gobolka. Reer Minnesota waxay haystaan ilaa Oktoobar 15 si ay u xareeyaan cashuurta gobolka ka hor inta aan ganaax la saarin. 

 Sharciga waqti kordhinta ciidamada qalabka sida waa ay ka duwantahay.  Halkan ka eeg xogtaasi. 

Canshuuraha Federaalka

Markay timaaddo cashuuraha dawladda dhexe, waxaad u baahan doontaa inaad codsato waqti kordhin  haddii aadan buuxin karin Abriil 18, 2023.

Waxaad maanka ku haysaa in kordhintaan kaliya ay ku siinayso wakhti dheeraad ah oo aad ku xerayso canshuurtaada. Hadii canshuur laguugu leeyahay waa in aad bixisaa xiligii loogu talo galay.  Nasiib wanaag, codsiga waqti kordhinta waa bilaash!

 Shabakada IRS waxaad ka helaysaa xulashooyin kala duwan oo ku siinaya fursad aad canshuurtaada ku xarayso si bilaash ah hadii aad luqada taqaano kombuyuutarna haysata. Sidoo kale waxaa kaa caawin kara canshuur xareyayaasha Soomaalida ee xafiisyada ku leh moolalka ama meelaha kale. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts