EducationLatestNews

Macalimiinta Dugsiyada Dadwaynaha Minneapolis oo xaqiijiyay mushaar kordhintii ugu badnayd muddo 25 sano ah.

 Macalimiinta dugsiyada dadwanaha Minneapolis ayaa todobaadkan u codeynaya labo qandaraas oo  oo mushaar kordhin u samaynaya macalimiinta iyo shaqaalaha kale. Mushaar kordhintaan ayaa noqonaysa tii ugu badnayd muddo 25 sano ah.

 Macalimminta ayaa mushaharka loogu darayaa – 4% sanadkan iyo 5%  2024-25 . Intaa waxaa dheer kororka mushaarka ee sanadaha khibrada iyo heerka waxbarashada. 

Ilaa hadda lama ogaan karo saamaynta ay ku yeelan karto miisaaniyada  dugsiyada degmada 2024-25 oo horay loo saadaaliyay in ay ka dhiman tahay $110 milyan. Hadii loo geeyo qandaraasyada kale ee aan wali heshiis laga gaarin, hoos u dhaca miisaaniyada intaa wuu ka badanayaa. 

Heshiisku ayaa la gaaray wax yar ka hor inta aysan macaliinta u codayn in ay ku dhawaaqaan shaqo joojin dabayaaqadii Abriil.   

Haddii ay ansixiyaan macallimiinta, heshiisku wuxuu u gudbi doonaa guddiga dugsiga si ay u ansixiyaan. Degmadu waxay sheegtay in heshiisku uusan ka baxsananyn miisaaniyada golaha ansixiyay.   

Macalimiinta gobolka oo dhan ayaa helaya mushaar kordhin sanadkaan. Celcelis ahaan kororka wuxuu u dhexeeyaa  4.3% sanadkan iyo 3.5% 2024-25.

Macallimiinta St. Paul waxay xaqiijiyeen heshiis laba sano ah bishii Maarso waxaana loo kordhiyay  4% iyo $3,500 oo go’an.  

Magaalada Minneapolis,  4% mushaar kordhinta sanadkan waxaa laga soo bilaabayaa 1da Luulyo, 2023.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts