EducationFeaturedJusticeNewsPolitics and Leadership

Maxaad ka ogtahay sharciyada cusub ee dhaqangalaya 2024, iyo saamaynta ay ku yeelanayaan reer Minnesota?

Sharciyo cusub oo dhowr ah oo ay ansixiyeen Golaha Sharci dejinta  Minnesota ee dimuquraadiyiinta aqlabiyad buuxda ku haysteen 2023 ayaa dhaqan galaya Janaayo 1, 2024.   

Nabadgalyada  dadweynaha:

Xubnaha qoyska iyo booliiska ayaa hadda codsan kara amarka ilaalinta degdega ah  hadii qof hub haysta la rumeysan yahay inuu khatar ku yahay naftiisa ama dadka kale. Isbeddellada kale ee badbaadada qoryaha waxaa ka mid  baaritaanka dabagalka taariikhda qofka iibsanaya hubka, kaas oo dhaqan galay horraantii 2023. Sidoo kale, shaqaalaha xabnsiyada lagu hayo dhallinta ma sameyn karaan baaritaan dharka la bixinayo iyada oo aysan jirin kunturuband la garanayo in ay haystaan, sidoo kale meel gooni ah laguma xiri karo si loo ciqaabo dhalita.  

Fasaxa xanuunka :

Mid ka mid ah waxyaabaha aadka ooga dooday Xeer-dejinta oo dhaqan galaya Jan. kowdeeda waa fasaxa xanuunka iyo waqti is baxnaanin.  Loo-shaqeeyayaashu waa inay u oggolaadaan shaqaalaha illaa 48 saacadood  mushahar la siinayo qofka  sannadkii si ay u daryeelaan caafimaadkooda maskaxeed ama jireed ama daryeelka  qof ka mid ah qoyska. Waxay khusaysaa dhammaan loo-shaqeeyayaasha leh hal shaqaale ama ka badan, waxaaana ka mid ah  dhammaan shaqaalaha, oo ay ku jiraan kuwa shaqeeya hal gelin iyo kuwa ku meel gaadhka ah, kuwaas oo shaqeeya ugu yaraan 80 saacadood sannadkii. Shirkadaha bixiya waqtiga xanuunka intaa ka badan way sii wadi karaan siinta waqtigaas.

Waxbarashashada:

Dugsiyada dadwayanaha waxaa laga doonayaa in ay musqulaha dhigaan agabka dumarka u xirtaan caadada. Xildhibaanka sharcigaan keenay ayaa sheegay in ardayda qaar aysan awoodin in ay iibsadaan taas oo saamayn ku yeelata waxbarashadooda.  Xeer waxbarasho oo ballaaran ayaa u qoondeeyay $2 ardaygiiba oo sanadkii gaaraysa qiyaastii 2 million oo doolar.  

Walz 2

Badbaadada cuntada:

 PFAS Chemicals, oo loo yaqaan ” For ever chemicals,” ayaa laga  mamnuucay baakadaynta cunada iyo cabitaanada sida bacaha lagu duubo beegarka iyo baakadaha la galiyo daangada.  Qaar ka mid ah kumanaan kiimikooyinka PFAS ayaa si caadi ah loo isticmaalaa, welina dowlada federaalku  ogolaasho ayay ka haystaan sida baakadaha biizaha iyo bacaha lagu duubo dufanka.   Minnesota waxay ka mid tahay 11 gobol oo mamnuucay isticmaalka  wax soo saarka PFAS. 

Guriyeynta:

Goobaha cibaadada sida masaajida iyo kaniisadaha waxaa loo ogolaaday in ay qolal yar yar ku daraan dhismayaashooda si ay u dejiyaan hoylaawayaasha.  Waxaa sidoo kale dhaqan galaya sharciyo cusub oo ilaalinaya kiraystayaasha guryaha oo ay ku jirto in mulkiiluhu ogaysiiyo lacagta lagu leeyahay qadarka ay la egtahay, kalana hadlo xuquuqdooda ka hor inta uusan qaadin talaabo uu guriga ooga saarayo.  

Qaaraanka  siyaasadda:

Laga bilaabo 2024, reer Minnesota waxay heli doonaan lacag celin canshuur sare ah oo ku saabsan tabarucaadka siyaasadeed ee xisbiyada siyaasada ee Minnesota iyo musharaxiinta xafiisyada gobolka. Canshuur-celinta ayaa laga dhigay $75 shakhsiyaadka halikii ay ahay $ 50, lamaanayaashana waxaa laga dhigay $150 halkii ay hore u ahayd $100. Sharciga waxaa ku jira qodob mamnuucaya tabarucaadka shirkadaha dibeda laga leeyahay hase yeeshee qodobkaasi xaakim ayaa joojiyay dhaqan-galkiisa

 Shaqaalaha:

Loo-shaqeeyayaashu ma waydiin karaan codsadayaasha shaqada inay sheegaan mushaarkii ay hore u qaadan jireen, inkastoo codsaduhu si ikhtiyaari ah u bixin karaan macluumaadka. Sharcigan ayaa ka soo horjeestay qaar ka mid ah kooxaha ganacsiga. Laakiin taageerayaashu waxay yiraahdeen sharciga, oo 18 gobol oo kale ay horey u dhaqan galiyeen, ayaa gacan ka gaysan doona  in meesha laga saaro farqiga mushaharka jinsiga iyo isirka  iyadoo loo-shaqeeyayaashu ay  tixgalin doonaan xirfada codsadaha shaqada iyo shahaadooyinka si ay u go’aamiyaan mushaarka.

Intaa waxaa dheer, loo-shaqeeyayaasha leh in ka badan 50 shaqaale oo waqti-buuxa ah waa inay soo bandhigaan boodhadh ay ku qoran yihiin macluumaadka faa’iidooyinka  askartii hore.  Shirkadaha  hilibka ka shaqeeya waa inay bilaabaan barnaamij yaraynaya kana hortagaya xanuunada muruqyada. Labada warshadood ee saliidda ee Minnesota waa inay raacaan shuruudaha tababarka goobta shaqada ee cusub.

Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts