LatestCommunity and CultureFeaturedNewsTravel

Wrbixinta 4aad ee Group 5: Sideen isugu diyaarin karaa inaan codsado in la’ii keeno qof aan garanayo?

Sidii aad nooga barteen maalmahaan danbe, waxaan idiin soo gudbinaynaa xogaha ugu muhiimsan ee sida loo codsado group 5 dadka aad jeceshayna aad ku keeni kartid Maraykanka. Fadlan soo akhri qoraaladeeni hore waxaa ka helaysaa websiteka Somalimedia.mn.com.

Si aad ugu diyaar garowdo soo qaadista qofka aad jeceshahay qaado tabarkaan ikhtiyaarka ah si aad si fiican oogu diyaar garowdo qalaadkaana aad yaraysid ama ka dheeraatid.   Hada, ku soo dhawaw  talaabooyiinka ugu muhiimsan ee lagaaga baahan yahay. 

  • Samee koox kafaalo-qaad gaar ah oo ka kooban shan qof si aad oga qayb qaadato barnaamijka soo dhawaynta qaxootiga ee Welcome Corps. Shantaan qof waa in ay MuwaadiniinMaraykan ah yihiin ama haystaan deganaasho rasmi ah.   Kooxda shanta qof ah waa in ay doortaan iskuduwe, kaas oo furaya akoon lacagta lagu shubo buuxin doonana foomka codsiga.  
  • Dib u eeg habka codsiga. Si aad si wanaagsan ugu soo dhawayso qaxootiga, waxay u baahan tahay u diyaar garow dhamaystitan. Kooxaha kafaala qaadayaashu waa inay bixiyaan adeegyada kafaala-qaadka 90 maalmood, taas oo noqon karta mid adag. Tusaale ahaan, waa in laga caawiyaa qaxootiga cusub inay helaan faa’iidooyinka dadweynaha ama cayrta iyo baaritaannada caafimaadka. Waxaa laga yaabaa in meel fog loo aado helitaankooda. Guryuhu waxay noqon karaan kuwo qaali ah oo ay adag tahay in la helo. Waxaa jira ilo badan oo  kaa caawin kara bixinta adeegyadan, waxaadse u baahan tahay in aad baartid ama aad barato. Waxaa wanaagsan in aad  baaritaan ku sameyso adeegyadaan oo aad bilowdo barashadooda ka hor inta aadan gudbin codsiga.
  • Dib u eeg shuruudaha in qaxootiga la keeni karo.  Kooxaha kafaala-qaadka gaarka ah waxay awoodaan inay codsadaan kafaala-qaadka qaxootiga wadankuu dooniba u dhashee, qaxootigaas oo ku nool meel ka baxsan waddankooda, kana diiwaangashan qaxoonti ahaan Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ama dawladda waddanka ay deggan yihiin Sebtembar 30. 2023 wixii ka horeeyay, oo buuxiya shuruudaha u-qalmitaanka. Isticmaal foomka uqalmitaanka  Qaxoontiga si aad u hubiso in shakhsiyaadka aad doonayso inaad kafaalo qaado laga yaabo inay u qalmaan tixgelinta dib-u-dejinta gudaha Maraykanka.
  • Ka qaybgal ama daawo webinaarka tabarka Taageerada Codsiga oo aad loogu baahan yahay.  Webinar-ku wuxuu ku siin doonaa macluumaad guud oo ku saabsan habka codsiga Welcome Corps iyo shuruudaha dhammaan kafaala-qaadayaasha gaarka ah looga baahan yahay, oo ay ku jiraan kafaala-qaadayaasha doonaya inay codsadaan qaxooti ay hore u garanayeen.

Maxaa dhacaya ka dib markaan gudbiyo codsiga?

Codsigaaga waxa dib u eegi doona shaqaalaha Welcome Corps. Waxaad soo gudbin kartaa hal codsi markiiba. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si ay mar labaad u codsadaan.

Haddii codsigaaga la aqbalo, waxaa kula soo xiriiri doona shaqaalaha Welcome corps, shakhsiyaadka aad doonayso inaad kafaalo qaado waxa loo gudbin doonaa Barnaamijka Ogolaanshaha Qaxoontiga ee Maraykanka. Kadib marka la dhameeyo shuruudaha codsiga oo dhan waxaa waraysan doona  dowladda Mareykanka si loo go’aamiyo in ay u qalmaan qaxoontinimo  marka loo eego sharciga Mareykanka. Habkan waxa kale oo ku jiri doona baadhista dabagalka ama amni (Security screening) iyo baadhis caafimaad, waxaanay qaadan doontaa wakhti badan. Kaliya qaxootiga ay ansixisay Waaxda Amniga Gudaha (USCIS) ayaa la dejin karaa gudaha Mareykanka.

Marka qaxootiga aad rabto inaad kafaalo qaado ay u ogolaato dib u dajinta Waaxda Amniga Gudaha Maraykanka (USCIS), Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa ka shaqayn doona sidii ay ku iman lahaayeen magaaladaada.  Qaxootiga sida gaarka ah loo kafaalo qaado  ma heli doonaan adeeg degdeg ah oo ka duwan kan ay helayaan dadka kale ee ku imaada isla barnaamijka Wecome Corps. Dhamaantood waxay marayaan isku borosees.  Hadii aad doonaysid inaad ogaato macluuumaad dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka ogolaashaha qaxooiga, booqo https://www.state.gov/refugee-admissions/

Intee in le’eg ayay qaadanaysaa in ay qaxootigu yimaadaan?

Waqiga ay kunimanayaan waa uu kala duwan yahay, kiis kastana si gaar ah ayaa loo tix galinayaa. Filo in nay qaadato ugu yaraan lix bilood ilaa dhawr sano laga bilaabo wakhtiga aad gudbiso arjiga oo dhamaystiran. Waxaad soo gudbin kartaa hal codsi markiiba. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si aad mar labaad u codsatid.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts