LeadershipCommunity and CultureLatestNews

Maxkamada Racfaanka ayaa xukuntay in qorshaha guryaynta Minneapolis la hirgaliyo

Go’aanka maxkamada Minnesota wuxuu u ogolaanayaa Minneapolis inay horay u sii waddo qorshaheeda guriyeynta 2040, kaas oo ujeedadiisu tahay in guryo badan la dhiso si hoos loogu dhigo guri la’aanta. Tani waxay meesha ka saaraysaa xukun maxkamadeed oo qorshaha hakad geliyay ilaa 2018kii.

Qorshaha, oo la ansixiyay 2018, ayaa la kulmay caqabad xagga sharciga ah oo ay maxkamada geeyeen kooxaha u ololeeya deegaanka. Dagaalka sharci ayaa salka ku haya aragtiyo kala duwan oo ku saabsan  deegaanka iyo cadaynta culayska.  Maxkamadda Racfaanka waxay ogaatay in maxkamadda hoose ay samaysay khaladaad, oo ay ku jiraan inay dusha ka saartay magaalada si ay u caddeyso culayska la saaray.

Tani waa horumar la taaban karo si loo gaaro yoolalka magaalada ee guryaynta, laakiin waxaa laga yaabaa inaysan ahayn go’aanka ugu dambeeya.  Aqalka hoose ee gobolka ayaa  meel mariyey sharci lagaga dhaafayo aaga metro dib-u-eegista deegaanka, haseyeeshee go’aanka aqalka sare ee sharcigaan ayaan weli caddayn.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts