NewsFeaturedLatest

Qorax Madoobaadka ka dhacaya Minnesota iyo waxa la gudboon Muslimiinta

Daruuro fara badan oo kor heebaabaya magaalooyinka mataanaha ah ayaa ka dhigaysa in mid adag qorax madoobaadka si toos ah loo arko.  

Minnesota kuma jirto goobaha laga arki karo qorax madoobaad dhamaytiran   oo qorraxda oo dhan uu dayaxu xannibi doono saddex ilaa afar daqiiqo. Laakin ku dhawaad saddex meelood meel ayay qoraxda qarsoomi doontaa  marka la gaaro  meesha ugu sarreysa ee dayax madoobaadka abaarihii 2:02 duhurnimo, taasoo  ka dhigan in ku dhawaad 80% koonfurta bari ee Minnesota, sida ay sheegtay NASA. 

Laakiin taasi waxay suura gal tahay kaliya haddii daruuruhu nadiif yihiin. Adeegga Cimilada Qaranka ayaa siinaya magaalooyinka Mataanaha ah  kaliya 19% fursad ay ku arkaan qorax madoobaad dhamaystiran  tan iyo 2017. Fursada lagu arki karo ayaa intaa ka sii hoosaysa waqooyiga Minnesota, iyada oo wax ka yar 10%  ay haystaan meelaha ay ka mid yihiin Fargo iyo Grand Forks, ND. Duluth iyo Falls International ayaa haysta fursad gaaraysa 10%.

Cedar Rapids iyo Des Moines  Iowa  ayaa haysta  80% fursad ay ku arkaan dhacdadaan naadirka ah.  Chicago ayaa ayaa iyana haysata 95% sababtoo ah hawada sare ayaa nadiif ah oo wax daruura ah ma jiraan. 

 Matxafka Sayniska ee Minnesota iyo Jaamacadda Minnesota ee Bell Museum waxay martigelin doona in ay dadka u soo bandhigaan sida ay qorax madoobaadka u dhacayo.  

Culumada Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa ugu baaqay Muslimiinta in ay oogaan salaada sunnada ah ee qorax madoobaadka xiliga ay dhacdada socoto. Sh Yusuuf Cabdulle oo ah madaxa Isutaga Muslimiinta ee Waqooyiga Maraykanka ayaa ugu baaqay immamyada iyo bulshada Soomaaliyeed in ay camiraan masaajida ilaahayna la baryo in ay qorax madobaadka socoto. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts