FeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Warbixinta 1aad: Maxay tahay sababta uu Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota gal-dacwadeed ugu furay heeshiisyada gaarka ah ee kala iibsashada guryaha?

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison ayaa bilaabay baaritaan dhamaystiran oo ku saabsan heshiisyada muranka badan dhaliyay ee hantida maguurtada ah, isaga oo ka jawaabaya welwelka laga qabo in laga faa’idaysto bulshooyinka laga tirada badan yahay, gaar ahaan Soomaalida iyo Isbaanishka. Go’aankan ayaa yimid ka dib baaritaan ay si wada jir ah u sameeyeen ProPublica iyo Sahan Journal, taas oo iftiimisay sida heshiisyadani loogu khiyaameeyo iibsadayaasha iyada oo qiimaha lagu dalacsiinayo iyo shuruudo aad u adag, kuwaas oo inta badan keena cawaaqib xumo ka dhalata oo ay ka mid yihiin guri ka saarid iyo dhaqaale xumo baahsan.

Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud Mark Iris ayaa xusay la soo gaarsiiyay cabashooyin badan wuxuuna hoostana ka xariiqay la dagaalanka amaahinta looga faa’idaysanayo dadka taas oo sii faquuqaysa bulshooyinka nugul.  Bayaan uu soo saaray, Iris wuxuu ku xusay, “Xafiiskayagu wuxuu ka walaacsan yahay xeeladaha amaahinta xadgudubka ah ee dhaqaalaha looga aruursanayo bulshooyiin hore sabool u ahaa”. 

Baaritaanku waxaa uu banaanka keenay suuq aad u macaash badan oo guryaha looga iibiyo Soomaalida ku nool magaalooyinka Mataanaha ah iyo nawaaxigeeda. Soomaalida waxaa ay raadinayaa inay ka fogaadaan ribada marka ay guryaha iibsanayaan, hanaankan  waxay u arkeen inuu yahay xal. Haseyeeshee waxay lugaha la galeen qandaraasyo adag iyo lacag dulsaarasho aad u badan oo horseedi kara in guriga lagala wareego.  Dhowr milkiileyaal guri oo ay saameysay ayaa ka sheekeeyay waaya aragnimadooda murugada leh, mid ka mid ah ayaa sheegay, “Waxaa lagugu dhihi, ‘ gurigaaga waakan,’ laakiin  ma garanaysid waxa aad saxiixayso.”

Mid ka mid ah welwelka ugu weyn ee la muujiyey ayaa ah maqnaanshaha qodobada ilaalinaya xaqa macmiilka, oo inta badan keenta in guryaha lagu iibiyo qiimo aad u sareeya, abuurista caqabado aan laga gudbi karin oo ah dib u iibinta iyo dib-u-maalgelinta guriga. Intaa waxaa dheer, khatarta ah in si degdeg ah guriga looga saaro hadii uu bixin waayo lacagaha laga doonayo taas oo sii xumeynaysa xaaladda. Senator Tina Smith, oo isugu yeertay guddi-hoosaadka Senate-ka si ay arrintan wax uga qabtaan, ayaa sheegtay, “In macaamishani loo qorsheeyay inay guuldarraystaan.”

Iyadoo ay jirto qeylo dhaan sii kordheysa, hogaamiyayaasha bulshada, oo ay ku jiraan Mohamed Goni iyo Jessica Aliaga-Froelke, ayaa ka dhawaajiyay cabsi weyn oo ku saabsan xeeladaha dhagaraysan ee la sheegay in ay adeegsadaan qaar ka mid ah qandaraaslayaasha, iyaga oo xoogga saaraya baahida loo qabo korjoogteynta iyo isla xisaabtanka. Goni waxa uu yidhi, “Waa hab lagu dhaco ama lagu geliyo dadka faqri badan,” halka Aliaga-Froelke ay ku baaqday in la baadho doorka ay ka ciyaaraan wakiilada guryaha fududaynta heshiisyada noocaas ah. Waxay tidhi, “Taasi waa waxa loo baahan yahay in la cadeeyo.”

Iyadoo baaritaanku uu sii xoogeysanayo, xafiiska xeer ilaaliyaha guud wuxuu ku dhiirigeliyay shaqsiyaadka ay khuseyso inay la soo xiriiraan xafiiskooda iyaga oo isticmaalaya Foomka Warbixinta Kiraystaha ee laga heli karo shabakada rasmiga ah ama kula soo xiriiraan khadka telefoonka. Daneeyayaasha iyo xubnaha bulshadu waxa ay weli rajo ka qabaan in baadhitaankani uu horseedi doono tallaabooyin adag si loo ilaaliyo iibsadayaasha guryaha, iyaga oo hubinaya ka ilaalintooda dhaqamada aan damiirka lahayn ee ku baahsan suuqa hantida ma-guurtada ah.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Translated by Abdirizak Diis

I am an impassioned news blog writer, a dynamic force in the ever-evolving world of digital journalism. With a keen eye for detail and a commitment to truth, I navigate the complex web of information to bring readers timely and insightful news stories.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts