LatestNewsPolitics and Leadership

Warbixinta 1aad:  Sharciga suurta-galka ah ee Magaalada Minneapolis, sidee buu u wajahay codiga darawalada Uber iyo Lyft ee ku nool minneapolis?

Dareewalada Uber iyo Lyft ee ka shaqaysta Minneapolis, oo ku midaysan ururka Minnesota Uber & Lyft Driver’s Association (MULDA), ayaa shir jaraa’id ku qabtay hoolka Dawladda Hoose ee Minneapolis, July 25, 2023. Waxay codsadeen in la siiyo ujro wanaagsan iyo hagaajinta goobta shaqada. Shirka jaraa’d waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha deegaanka kuwaas oo taageeraya xeer la soo jeediyay oo saameyn weyn ku yeelan kara noloshooda.

Farxan Bedel oo ka mid ah darawaliinta Uber, ayaa muujiyay baahida degdega ah ee loo qabo bixinta wax u qalma shaqadooda ee aysan doonayn in wax loo kordhiyo.  Bedel ayaa Uber u shaqaynayay tan iyo 2018kii halkaas oo nolol maalmeedka caruurtiisa ka soo saaro. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in darawalada takaasida ay door muhiim ah ku leeyihiin bulshada, gaar ahaan xilliyada adag sida xiligii caabuqa COVOD-19. Mauricio Castaneda, oo ah darawal kale, ayaa muujiyay in uu aad oga xun yahay hoos u dhaca ku yimid ujrada la siiyo halka kharashaadka shaqada iyo nolosha ay sare u kacayaan sannadihii la soo dhaafay.  Waxa uu sheegay in inkasta oo ay saacado badan shaqaynayeen, haddana ay xaq-darro tahay in la helo $200-250 oo keliya maalintii.

MULDA, oo ah urur ay ku xoog badan yihiin darawalada ka soo jeeda Bariga Afrika, ayaa hore u sameeyay isku dayo aan lagu guulaysan oo ay ku meel marinayaan sharci dhawraya xuquuqda darawalada gobolka oo dhan.  Hindise sharciyeedkas ayaa ka soo gudbay labada aqal hase yeeshee ugu danbayntii gudoomiyaha gobolka Tim Walz ayaa diidmada qayaxan ku laalay.  Tim Walz ayaa qiray in darawalada ay u baahan yihiin mushaar xaq ah iyo ilaalinta badqabka shaqada, wuxuu u arkay hinse-sharciyeedka mid aan shaqaynayn.  Xildhibaanada laga tirada badan yahay ayaa aad u dhaleeceeyay TIM Walz, kuwaas oo ku eedeeyay inuu diidey sharci lagu dhawrayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Uber iyo Lyft ayaa si adag uga soo horjeestay sharciga waxayna ku hanjabeen inay ka baxayaan gobolka haddii la meelmariyo.

Xeerka la soo jeediyay, oo hadda la tixgelinayo, ayaa waxaa ku jira qodobbo si weyn u wanaajin kara xaaladaha shaqo ee darawallada.  Waxaa laga dhigayaa lacagta ugu yar ee la siinayo darawalada   $0.51 daqiiqaddii iyo $1.40 maylkiiba raacid kasta, iyada oo lacagtani ay kordheyso sanad walba marka loo eego mishaar-bixinta ugu yar ee magaalada. Sharcigaan ayaa siinaya darawallada dakhli joogto ah kana ilaalinaya in laga faa’idaysto.

Sharcigaan ayaa diirada saaraya daah-furnaanta, waxaa ku jira qodobo hubinaya in rakaabka iyo darawallada labaduba ay helaan rasiidh faahfaahsan oo muujinaya qiimaha, oo ay ku jirto qaybta loo qoondeeyay shirkadda rideshare. Daah-furnaantan ayaa ka caawin doonta darawalada in si cadaalad ah loo siiyo ujradooda.

Si loo hubiyo badqabka darawalka, sharciga la soo jeediyay wuxuu qorsheynayaa in ujrada raacitaanka lagu bixiyo kaararka ay bangiyada bixiyaan kaliya oo magaca qofka ku qoran yahay taas oo ogolaanaysa in qofka la aqoonsado haduu xad-gudub gaysto.  

Xeerku waxa kale oo uu wax ka qabanayaa in darawalka shaqada laga joojiyo hadii dad bnadani ay ka qoraan cabashooyiin ama uu diido meelaha qaar. Waxaa la doonayaa in la sameeyo habraac rasmi ah oo darawaladu uga dacwoodaan go’aamadan oo kale, iyada oo la siinayo fursad ay kaga hortagaan hawl-joojin aan caddaalad ahayn kuna ilaaliyaan noloshooda.

Intaa waxaa dheer, sharciga la soo jeediyay wuxuu awood u siinayaa magaalada inay abuurto Hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo u heellan inay ka taageerto darawallada wacyi galinta, u doodista xaxaqooda iyo matalaadda sharciga. Hindisahani waxaa uu caawin doonaa darawalada doonaya caawimaad.  

In kasta oo ay socdaan wada-hadallo heer gobol ah oo lagu hagaajinayo ujrada darawallada iyo xaaladaha shaqada, xubnaha golaha ee taageeraya xeerka la soo jeediyay waxa ay rumaysan yihiin in uu dhammaystirayo dadaalladan kana soo horjeedin. Waxay hiigsanayaan in la abuuro sharci wanaagsan Magaalada iyo gobolka oo dhan si loo hubiyo in darawaladu helaan ujro iyo ilaalinta ay mudan yihiin.

Shirka jaraa’id ka dib, Guddiga Ganacsiga, Kormeerka, Guryeynta iyo Aagagga ee golaha ayaa ansixiyay soo jeedinta, iyaga oo u gudbiyay xeerka la soo jeediyay in loo qabto dhageysi dadweyne kaas oo la qorsheeyay 8-da Agoosto.

Dhanka kale, Gudomiye Tim Walz waxa uu ku dhawaaqay gudi ka shaqeeya cabashada darawalda, Eid Ali, oo ah agaasimaha MULDA, ayaa loo magacaabay wakiilka darawallada. In kasta oo xidhiidhka Uber iyo Lyft ay ay go’een tan iyo markii Walz uu istiocmaalay diidmada qayaxan ee hindise sharciyeedkii hore, darawaliintu waxay ku rajo weyn yihiin in sharciga la soo jeediyay uu isbeddello wanaagsan ku soo biirinayo xaaladdooda shaqo iyo in la siiiyo ujro u qalanta adeegyadooda muhiimka ah ee bulshada Minneapolis.

Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

I am an impassioned news blog writer, a dynamic force in the ever-evolving world of digital journalism. With a keen eye for detail and a commitment to truth, I navigate the complex web of information to bring readers timely and insightful news stories.

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts