Dugsiyada Dadweynaha ee St. Louis Park ayaa u ogolaaday caruurta qoysaska aan doonayn in ilmahoodu loo akhriyo ama bartaan buugaagta LGBTQ+ , ka dib markii lix qoys oo Soomaali ah ay ku hanjabeen inay dacweyn doonaan degmada. Qoysaska Soomaalida ayaa hore loogu diiday in la siiyo ikhtiyaar ay caruurtooda fasalka oga bixi karaan xiliga la baranayo casharadaan.
Kayla Toney oo ah qareenka u doodayay Soomaalida kana tirsan First Liberty Institute oo fadhigeedu yahay Texas ayaa tidhi “Waxaan u maleyneynaa in tani ay guul u tahay xorriyadda diinta ee dadka diimaha haysta oo dhan, iyada oo aan la tagin maxkamad,”. Qoyasaska Soomaalida ayaa hore ugu hanjabay in ay maxkamad la tiigsan doonaan hadii aan codsigooda la aqbalin.
Hodan Xasan oo muddo 14 sano ah ku nooleyd St. Louis Park, isla markaana afar carruur ah u dhiganaysay dugsiyada dadwaynaha ee St. Lious Park , ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay ogolaashaha degmada ee codsigeedii ahaa in carruurteeda loo ogolaado inay ka bixi karaan fasalka xiliga la akhrinayo buugaagta ay ku qoran yihiin dadyowga LGBTQ+ todobaadkii hore.
Taa badalkeeda, Degmada ayaa looga baahan yahay in caruurtaasi ay u samayso waxbarasho ay waalidkooda oghol yihiin.
Hodan ayaa tidhi “Waxaan Ameerika u nimid xoriyadda diinta ee dastuurka damaanad qaadayo, iyo fursada ay helayaan caruurteena,”, Ogololaashaha nala siiyay inaga iyo qoysaska kale ee ah fursada aan ku diidi karno waxbarasho kasta oo xad gudub ku ah diinteena, waxaan awoodnaa in aan caruurteena ku korino mabaadi’da diinteena suuban”
Bayaan ay soo saartay, St. Louis Park Public Schools waxay ku sheegeen inay ku faraxsanyihiin buugaata kala duwan ee ay baraan caruurta ayna ka go;antahay inay ixtiraamto dhammaan dhaqamada ardayda.
“St. Louis Park Public Schools waxay had iyo jeer u hoggaansamaan sharciga gobolka ee khuseeya xuquuqda sharciga ee waalidka ee ah inay xaq u leeyihiin in ay diidaan waxbarida qaar, waana sii wadi doonnaa inaan sidaas samayno,” degmadu waxay tiri. Si kastaba ha ahaatee, shaqaalaha degmadu ma samayn doonaan dib u eegis iyaga oo ka wakiil ah qoys kasta ama isku dayi maayaan inay go’aamiyaan waxyaabaha la diidan yahay. Intaa waxaa dheer, niqaashka fasalka dhexdiisa lagu sameeyo kuma jiraan waxyaabaha la ogol yahay in la diido.”
Hadalka degmada ayaa ku nuuxnuuxsaday in go’aankeeda uu ku xiran yahay sharciga gobolka.
“Diidmada ku salaysan ilaalinta xuquuqda dadka laga tirada badan yahay waxay ka soo horjeedaan qiyamkeena ah in aan abuurno badqab iyo waxbarasho loo dhan yahay iyo jawi waxbarashada ku haboon,” Bayaanka ayaa sii socday. “Si kastaba ha ahaatee, sharciga gobolka ayaa dhigaya, isbedel walbo oo lagu samaynayo sharciga gobolka waa in uu ka imaadaa sharci-dejiyayaashasha gobolka”.