BusinessFeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Maayarka magaalada Minneapolis Jacob Frey oo laga mamnuucay Karmel Mool.

Milkiilaha moolka Karmel ee Soomaalida ku ganacsato ayaaku wargaliyay duqa maaalada Minneapolis  Jacob Frey in uusan iman karin suuqa sababtoo ah Frey wuxuu ka hor yimid  qaraarka golaha deegaanka ee muranka dhaliyay ee ku saabsan dagaalka  Israa’iil ka wado marinka Gaza. Frey ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay in ay tahay Yuhuud-nacayb. 

Basim Sabri, oo caan ka ah Minnesota guryo badana ku leh ayaa iimayl uu u diray Frey maalmo ka dib markii duqa uu diidey qaraar ku baaqayay  xabbad-joojin iyo in la joojiyo kaalmada milatari ee Maraykanku siiyo Israa’iil.  Warqadda ayaa ku wargalisay Frey in uusan iman  karin Karmel Mall, oo ay ku yaalaan tukaamo iyo maqaayado badan oo ay Soomaalida leedahay.   

Golaha deegaanka magaalada Minnespolis ayaa cod aqlabiyad ah ku buriyay diidmada duqa magaalada Frey. 

RICHARD TSONG TAATARIII STAR TRIBUNE<br>

“Waxaan u maleynayay inaad tahay qof Yuhuudi ah kaliya, laakiin waxay u muuqataa inaad tahay xagjir,” Sabri ayaa ku qoray iimaylka uu u diray Frey. 

Sabri ayaa sheegay in go’aanka uu uga mamnuucay Frey moolka aanay shaqo ku lahayn dhalashadiisa Yuhuudnimo. Waxa uu sheegay in tallaabadan ay ka dambeysay diidmada qayaxan ee Frey kaga hor yimid qaraarka golaha magaalada. Falkaas waxaa uu la midyahay sida  Sabri sheegay in duqa magaalada ku guuldareystay inuu cambaareeyo waxa uu u arko siyaasadaha ka dhanka ah Falastiiniyiinta ee Israel.

“Warqadan waxaan kugu sheegaynaa in aan jarnay xiriirkii aan kula lahayn  oo aanan hadda wax kalsooni ah kugu qabin, maadaama qaar badan oo ka mid ah falalkaaga ay ka hor imaanayaan bini’aadantinimada,Soomaalida iyo xuquuqda bulshada soogalootiga ah,”  ii maylka Sabri ayaa intaa ku daray. “Sidaa darteed, fadlan warqadaan u qaado ogaysiis rasmi ah oo  aadan soo gali karin Karmel ee ku yaal 2910 Pillsbury Ave. S. iyo 200 W. Lake St.”

Dhismaha Karmell Mall ee Sabri ayaa ah goob ganacsi iyo mid bulsho oo aad u mashquul badan oo ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts