Xarumaha gurmadka deg-dega ah ee Minnesota oo buuxdhaafay xili ay xanuunada Hargabka, COVID, RSV, iyo Norovirus aad sare ugu kaceen

#image_title

Xanuunada neefmareenka ayaa aad sare ugu kacay dhamaadkii bishii Disembar ee sanadkii tagay iyo horaanta sanadkaan cusub. Xanuunadaan waxaa ka mid ah COVID 19, Hargabka ama Influenza, RSV, (xanuun ku dhaca sanka, dhuunta, iyo sanbabada) iyo Norovirus. Dadka la ildaran xanuunadaan ayaa buux dhaafiyay isbitaalada Minnesota. 

Sida ku xusan shabakada Waaxda Caafimaadka ee Minnesota, tiro gaaraysa 1,800 oo qof ayaa isbitaalka loo seexiyay hargabka Influenza tan iyo bilowgii sanadkaan. Xanuunadaan is wata ayay dhakhaatiirta u bixiyeen quad-demic (Xanuuntada afarlayda ah)

 “Hadii aad xanuun dareemaysid, gurigaada iska joog ilaa aad ka roonaato,” ayay tidhi Dr. Amy O’Neil oo ka tirtan M Heath Fairveiw. “Waxaan aragnay tiradii ugu badnayd oo xanuunadaan qaba usbuucyadii u danbeeyay, waa xanuuno isu tagay oo kala ah Hargab (Influenza), COVID 19, RSV, iyo norovirus.” 

Xog cusub oo ay baahisay waaxda caafimaadka ee Minnesota ayaa muujinaysa sare u kac ku yimi dadka loo seexiyay isbitaalka hargab, COVID, iyo RSV ilaa iyo usbuucii dhamaaday. 

Minnesota Department of Health

Dr. O’neil ayaa sheegaysa in ay caadi tahay in tirada xanuunadaan sare u kacaan xiliyada fasaxa ka dib, laakiin tani aad ayay oga duwantahay. 

“Waay u muuqataa in xanuunadaan neefmareenka iyo norovirus oo is wata ay tirada dadka xanuunsan ay aad sare oogu qaadayaan. Norovirus waa xanuun  ka dhasha cunnada keenana qandho iyo calool xanuun sida shuban. 

Hadaba maxaa kula gubboon hadii aad xanuunsantahay in aad samaysid? 

 

Waxaa jira meelo badan oo aad iska talaali kartid sida 

Hadii aad doonaysid caawimaad si aad u hesho talaaka wac telfoonka waaxda caafimaadka ee Minnesota  1-833-431-2053.

Waxaad helaysaa dad ku hadlaya Af-Soomaali iyo luqado kale si ay kuu caawiyaan. Hadii aad doonaysid in laguugu xiro qof ku hadla luqada tilmaamta ama dadka dhagoolka ah, isticmaal  ASL Now.

Afeef: Macaluumadka qaar waxaan ka soo xiganay WCCO News iyo Minnesota Department of Health. 

Exit mobile version