Shirkad qareeno ah oo matalaysa lix qoys oo Soomaali ah ayaa warqad u dirtay guddiga dugsiyada St. Louis Park iyo kormeeraha ku meel gaarka ah, waxayna ku sheegeen warqadaas inay “qaadi doonaan talaabo sharci ah” haddii degmadu u oggolaan weydo inay carruurtooda ka baxaan fasalka xiliga la akhrinayo buugaagta sawirrada ee LGBTQga. Buugaagta LGBTQ waxay ka sheekeeyaan shaqsiyaad isku jinsi ah oo qoysas sameeya.
First Liberty Institute, oo ah shirkad sharci oo fadhigeedu yahay Texas una dooda xorriyadda diinta, ayaa warqadda soo dirtay 2-dii Noofembar, iyada oo sharraxaysa hanaanka barashada jinsiga iyo waxa uu Islaamku ka qabo, iyo cabashooyiinka waalidiinta u gudbiyeen maamulka iyo macalimiinta. Warqada sidoo kale waxay sharaxday in ficilka dugsiga uu meel ka dhac ku yahay Dastuurka Mareykanka, sharciga Minnesota, iyo siyaasadda degmada St. Louis Park.
Warqaddu waxay dalbanaysaa in degmadu wargaliso waalidiinta, ardaydana fursad loo siiyo inay ka baxaan fasalka xiliga barashada casharada galmada ama mawduucyada LGBTQ. Waxaa kale oo ay codsanaysaa in degmada lagu daro ugu yaraan hal waalid oo Soomaali ah ah guddi kasta oo dib u eegis ku sameeya manhajka waxbarashada. Sahan Journal ayaa nuqul ka mid ah warqadda ka helay degmada dugsiga iyada oo loo marayo codsiga diiwaanka dadweynaha.
“Macallimiinta iyo maamulayaashu waxay mas’uul ka yihiin inay la shaqeeyaan waalidiinta si ay u hubiyaan in waxbarashadoodu ay ixtiraamayso qiyamka, xorriyadda diinta, iyo xuquuqda damiirka dhammaan ardaydooda,” Kayla Toney, oo ah qareenka matalaya waalidiinta Soomaaliyeed, ayaa sheegtay November 28keedii. “Tani waa sababta ay Minnesota u leedahay sharciga ogolaanaya in waalidiinta ardaydooda kala bixi karaan fasalka, iyo sababta St. Louis Park u leedahay siyaasadda degmada ee ka qayb gelinta waalidiinta doodaha waxyaabaha lagu muransan yahay.
“Macaamiisheenu waxay aamminsan yihiin inay leeyihiin waajibaad muqadas ah si ay u baraan mabaadi’da caqiidadooda iyaga oo aan wax u dhimin dugsiga caruurtooda.”
Warqadda St. Louis Park ayaa ah isku daygii ugu danbeeyay ee muslimiinta Minnesota ku doonayaan in aan ilmahooda lagu qasbin casharada galmada iyo jinsiga. Waalidiin badan oo Muslimiin ah oo ku nool Ham Lake iyo Burnsville ayaa dhaleeceeyay dadaallada lagu doonayo in buugaagta LGBTQ lagu baro caruurtooda dugsiyada.
Ilaa hadda, midna kama dhalan mudaaharaadyadaas tallaabo sharci ah. Lama garanayo waxa uu ku danbayn doonto talaabadan sharciga ah hadii la geeyo maxkamad.
First Liberty Institute, oo ka wakiil ah waalidiinta St. Louis Park, ayaa ku dooday dhowr kiis oo ku saabdsan xorriyadda diinta horgeeyay Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay ku guulaysteen. Mid ka mid ah kiis ay ku matalayeen tabaraha kubada kolayga oo tujiyay ardaydiisa intiii lagu guda jiray ciyaarta. Maxkamada sare ayaa ugu danbeyn la safatay tababaraha.
Degamada ayaa u dirtay waalidiinta December 1deedii warqad ay ugu sharaxayso agab waxbarasho, kaas oo ay ku jiraan macluumaadka ku saabsan sida waalidiintu ugu biiri karaan guddiga dib u eegista manhajka. Wargeysku waxaa kale oo ku jiray foom ay waalidiintu ku dalban karaan in macluumaadka loogu gudbiyo luqadaha Ingiriisjka, isbaanishka, iyo Af-Soomaali.
Agaasimaha Isgaarsiinta Degmada Rachel Hicks ayaa sheegtay in degmadu ay raaci doonto siyaasadaheeda iyo habraaceeda ay ansixiyeen guddiga, kaasoo u oggolaanaya qoysaska inay helaan manhaj badiil ah oo ay raali ka yihiin.
Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa walaac badan ka muujiyay waxyaabaha ilmahooda lagu baro dugsiyada dadwaynaha oo ay ka midyihiin jinsiga, iyo LGBTQga. Waalidiin badan ayaa u guuray Africa walaacaas awgiis.
This most likely will end up at Minnesota Federal high court chambers, therefore I m not sure how far First Liberty institute will prepare themselves to go with this case in USA high courts, ?