Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday.
Xubnaha golaha deegaanka Minneapolis waxa ay qaataan mushahar ka badan inta ay qaataan dhigooda magaalooyiinka kale halka duqa magaaladana uu qaato wax ka yar magaalooyinka la midka ah dalka oo dhan.
13-ka xubnood ee golaha deegaanka magaalada ayaa hadda lasiiyaa $109,846 sanadkii, duqa magaalada Jacob Freyna waxa lasiiyaa $140,814 sanadkii.
Mushaarkaas isma badalayo ugu yaraan labada sano ee soo socota – oo ku aadan dhammaadka muddada xubnaha golaha hada la doortay – sida ku cad qaraarka iyo miisaaniyad-sannadeedka oo ay si wada jir ah u ansixiyeen golaha uuna saxiixay Jacob Frey. Habraaca uu sameeyay golaha deegaanka ee raacaya sharciga gobolka, xubnaha golaha deegaanka iyo duqa magaalada ayaa qoondaynaya mushaharka kaas oo dhaqan galaya doorashada soo socota ka dib.
Daraasaddaan oo ay samaysay xafiiska karraaniga magaalada, ayaa lagu ogaaday in sagaal magaalo oo la mid ah iyo St. Paul, Seattle kaliya ayaa siisa Golaha Magaalada in ka badan Minneapolis taas oo lagu jaangooyay sicirka nolosha marka loo eego Minneapolis. Cashuur-bixiyeyaasha Minneapolis waxay siiyaan xubnahooda golaha ku dhawaad $29,000 in ka badan celceliska sagaalkaas magaalo.
Dhanka kale, Mushaarka Frey ayaa $26,000 ka yar celceliska maayarada kale, oo uu ku jiro Duqa magaalada Saint Paul Melvin Carter, wallow dadka degan St. Paul ay ka yar yihiin Minneapolis 120,000 oo qof.
Ma cada sababta ay Minneapolis sidaas u noqotay hase yeeshee waxaa loo aanaynayaa, awooda duqa magaalada oo yar, iyo awooda golaha deegaanka oo xoog badan.
Goluhu wuxuu faray xafiiska karraaniga inuu sameeyo daraasaddan ka dib markii codbixiyayaashu ay ansixiyeen su’aal cod-bixineed 2021 oo lagu beddelayo qaab-dhismeedka dawladda ee magaalada oo awooda sare la siinayo duqa magaalada, awooda golahana la dhimayo.
Sida Minneapolis, dhammaan sagaalka magaalo ee ay dadku ku nool yihiin waxay leeyihiin duq magaalo iyo jagooyin gole deegaan oo xooggan oo lagu tilmaamay inay yihiin shaqo buuxda.