Xeer Ilaaliyaha Guud ee Minnesota Keith Ellison ayaa qaaday tallaabo adag oo uu ku kala dirayo ku dhawaad 24 hay’adood oo aan faa’iido doon ahayn oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen fadeexada khiyaanada gargaarka cuntada federaalka ee Feeding Our Future. Dacwadaan madaniga ah oo la xareeyay Arbacadii, ayaa ujeedadeedu tahay in si joogto ah loo xiro 23 hay’adood oo laga shakisan yahay kuwaas oo la aasaasay xiligii bilowga fadeexada 2020. Lacagaha loogu talagalay carruurta danyarta ah, ayaa gilgilay hay’adaha samafalka ee gobolka, taasoo keentay in baaritaan ballaaran lagu sameeyo ku takri falka hantida dadweynaha.
Kiiska Feeding Our Future, oo lagu soo oogay 60 eedaysane, kuwaas oo lagu eedeeyay eedaymo la xidhiidha shirqool, khiyaano lacag wareegin, iyo lacag dhaqid, ayaa ] 14 kamid ah qirtay dambiga, kuwaas oo sugaya xukun, halka eedaysanayaasha hadhayna ay ku adkaysanayaan in aanay wax dembi ah lahayn. Sida ay sheegeen xeer-ilaaliyeyaashu, hawl-galkan been abuurka ah waxa uu ku lug lahaa hay’ado kafaalo-qaad ah oo ka helaya lacagaha dawladda dhexe oo loo soo mariyo Waaxda Waxbarashada ee Minnesota, lacagtaas oo loogu talagalay in cunto loogu qaybiyo carruurta. Si kastaba ha ahaatee, baarayaashu waxay ogaadeen in inta badan dhaqaalaha loo leexiyay dano gaar ah, oo ay ku jiraan iibsashada guryaha raaxada iyo baabuurta qaaliga ah, halkii ay u adeegi lahaayeen ujeeddadii loogu talagalay.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ellison wuxuu carrabka ku adkeeyay in dhammaan 23-ka hay’adood ee aan faa’iido doonka ahayn ee dacwadaha lagu soo oogay ay ku eedeyeen in ay isdaba mariyeen diiwaannada maaliyadeed ayna dayaceen in ay u hoggaansamaan shuruucda gobolka iyo federaalka. In kasta oo uu baaritaanku socdo, ma jiro mid ka mid ah hay’adaha oo la shaqeeya Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taas oo keentay go’aanka ah in la xidho. Ellison wuxuu cambaareeyay hay’adaha musuqa sameeya, wuxuuna dhahay, “Hay’adaha aan Macaash-doonka ahayn waa inay u faa’iidayaan dadweynaha – maaha inay khiyaameeyaan.”
Liiska hay’adaha aan faa’iido doonka ahayn ee wajahaya xidhitaanka waxaa ka mid ah Academy for Youth Excellence, African Chamber of Commerce Education, Hope Academy for Youth & Women Empowerment iyo kuwo kale oo badan. Tallaabooyinkan sharci ee ugu dambeeyay ayaa daba socda talaabooyiinkii hore ee Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu ku doonayay in uu ku baabi’iyo Feeding Our Future, taas oo shaqada joojisay fadeexaddan ka dib. Iyadoo baaritaanku uu socdo, dadweynuhu waxay si weyn u sugayaan horumarro kale oo ku saabsan raadinta caddaaladda iyo isla xisaabtanka.
Sheekadan waxa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.
Translated by Abdirizak Diis