Gaari ayaa lagu dhuftay mid ka mid ah baaruurta ilaalada Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden xili uu ku sugnaa xarunta dhexe ee ololohiisa doorashada Deleware. 

President Joe Biden reacts after hearing a loud bang as he leaves his campaign headquarters in Wilmington, Del., Sunday, Dec. 17, 2023. A car plowed into a parked SUV that was part of Biden's motorcade Sunday night while the president was leaving a visit to his campaign headquarters. The president and first lady Jill Biden were unharmed. (AP Photo/Manuel Balce Ceneta)

Gaari ayaa ku dhacay gaari SUV ah oo ka mid ah kolonyada ilaalada madaxweyne Joe Biden habeenkii Axadda, xilli uu madaxweynuhu ka soo baxayay booqasho uu ku tagayo xaruntiisa ololaha.  Madaxweynaha iyo marwada koowaad Jill Biden wax dhaawac ah ma gaarin.

Intii uu Biden ka soo baxayay xafiiska ololaha kuna socday gaariga SUVga  gaashaaman ee sugayay, gaadhi sedan ah ayaa ku dhacay gaadhi ay leeyihiin ciidanka ilaalada gaarka ah  ee Maraykanka kaas oo loo adeegsaday in lagu xidho isgoysyada u dhaw xarunta uu madaxweynuhu ka anbabaxayay. Gaariga ayaa markaas isku dayay in uu baxsado ka hor inta aysan ciidamada sirdoonku isku gadaameen gaariga qoryahana ku foorariyeen,  waxayna ku amreen darawalka inuu gacmaha kor u qaado.

Biden ayaa loola carary  gaadhigii  sugayey, halkaas oo ay xaaskiisa hore u fadhiisatay, ka hor inta aan si degdeg ah loogu celin gurigoodii. Jadwalkiisa  kale ma saameynin dhacdada.

Sirdoonku si degdeg ah ugamay hadlin dhacdadan.

Exit mobile version