Samafale MacKenzie Scott ayaa $15M ugu deeqay hay’adaha aan macaash doonka ahayn ee Minnesota

#image_title

 Samafale MacKenzie Scott oo ah bilyaneer ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in siddeed hay’adood oo aan faa’iido doon ahayn  saldhigooduna yahay Minnesota  ay heli doonaan $15 milyan oo deeq ah.

Scott, oo ah qoraa iyo xaaskii  hore ee Jeff Bezos  milkiilaha Amazon, ayaa $640 milyan ugu deeqday  316 hay’adood iyada oo u sii marinaysa hay’adeeda Yeild Giving.

Sannadkii hore, Scott ayaa iclaamisay hindisaheeda ay ugu deeqayso 250 hay’adood oo aan macaash doon ahayn  $1 milyan.  Kadib markii ay soo codsadeen in ka badan 6,000 oo codsade, waxay kordhisay deeqdeeda. 

316-ka urur ee deeqda helay, sideed ka mid ah waxay ku yaalaan Minnesota. Waxayna kala yihiin:

$2 milyan oo loogu talagalay Build Wealth Minnesota – Hay’ad fadhigeedu yahay Minneapolis si ay u caawiso awoodsiinta qoysaska si ay u dhistaan hanti bulsho oowaarta.

$2 milyan oo loogu talagalay Gender Justice – hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo laga aasaasay Minnesota si ay u caawiso horumarinta sinnaanta jinsiga.

$2 milyan oo loogu talagalay OutFront Minnesota – hay’ad samafal oo fadhigeedu yahay Minnesota oo la asaasay 1987 si ay gacan uga geysato dhisidda awoodda iyo wax ka qabashada sinnaan-la’aanta ka dhex jirta bulshooyinka LGBTQ+.

$2 milyan oo loogu talagalay CAPI USA – hay’ad fadhigeedu yahay Minnesota si ay uga caawiso muhaajiriinta iyo qaxootiga in ay go’aamiyaan aayahooda  iyo sinnaanta bulshada.

$2 milyan WellShare International – hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Minneapolis si ay uga caawiso horumarinta sinnaanta caafimaadka iyada oo loo marayo rabitaanka iyo xalka bulshada. 

$2 milyan oo loogu talagalay Appetite For Changer- urur aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay waqooyiga Minneapolis oo cuntada u adeegsata  si ay uga caawiso hormarinta caafimaadka, kobcinta hantida iyo isbeddelka bulshada.

$2 milyan oo loogu talagalay ISAIAH – oo ah urur aan faa’iido doon ahayn oo fadhigiisu yahay Minnesota oo u dagaallama caddaaladda bulshada iyo dhaqaalaha.

$ 1 milyan oo Dream of Wild Health- hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo fadhigeedu yahay Magaalooyinka Mataanaha ah si loo soo celiyo caafimaadka iyo wanaagga bulshooyinka Ameerikaanka ah.

Sannadkii 2023, Scott ayaa ku deeqay $21.6 milyan oo dheeraad ah in ka badan kala badh waxaa helay ha’adaha aan faa’iido doonka  ahayn ee magaalooyinka mataanaha degan.  

Exit mobile version