Wax ka Ogow Covidka-daba-dheeraada

#image_title

Waa maxay Xanuunka Long COVID ama Covidka Dabadheeraada

COVIDka Dabadheeraada waxaa lagu qeexaa

Xaalad xanuun oo dabadheeraata kadib marka qofku uu ku dhaco caabuqa SARS-CoV-2 qofkana xanuunsanaado ugu yaraan 3 bilood. COVIDka dabadheeraada wuxuu leeyahay calaamado iyo xaalado badan oo kala duwan oo laga yaabo inay soo roonaadaan, ka sii daraan, ama sii socdaan.

Qof kasta ayaa qaadi kara COVIDka daba dheeraada

COVIDka daba dheeraada wuxuu inta badan ku dhacaa dadka aad ugu xanuunsaday Caabuqa COVID 19, laakiin qof kasta oo qaada caabuqa COVID-19 wuu ku dhici  karaa xitaa carruurta.

Inta badan dadka qaba xanuunka COVIDka-daba-dheeraada waxay  isku arkaan calaamado maalmo ka dib markii ay ogaadeen inay qabaan COVID-19, laakiin dadka qaar ayaa xili danbe isku arka calaamadaha kamana war hayaan in COVID 19 ku dhacay.   

Dhawr jeer ayuu qofka qaadi karaa xanuunka COVID 19. 

Yaa halis ku jira?

Inkasta oo dadka oo dhan ay qaadi karaan Covidka-daba-dheeraada, hadana daraasaadka ayaa muujinaya dadyowga qaar ayuu inta badan ku dhaco marka loo eego bulshooyiinka kale. Dadkaan waxaa ka mid ah:  

 Sidee looga hortagi karaa?

Xarunta Xakamaynta Xanuunada ee loo yaqaan CDC waxay xoogga saartaa isticmaalka xeeladaha asaasiga ah si loo yareeyo khatarta caafimaad ee COVID-19, oo ay ku jiraan natiijooyinka daran sida isbitaal dhigista iyo dhimashada. Ka-hortagga natiijooyinka daran ee xanuunka COVID-19 waxay kaa caawinaysaa kahortagga COVID-ka-daba dheeraada. Talaabooyinka aad qaadi karto si aad naftaada iyo kuwa kaleba u ilaaliso waxaa ka mid ah:

Tallaalku wuxuu ka hortagi karaa COVID dheer

Cilmi baaristu waxay muuujinaysaa in tallaalka COVID-19 uu yahay waxa ugu wanaagsan ee la heli karo si looga hortago COVIDka-daba-dheeraada, oo ay ku jiraan carruurta.

Baaritaanka iyo ogaanshaha

COVIDka daba-dheeraada ma aha hal jirro. Ma jiro baaritaan ama shaybaar  go’aamin kara haddii calaamadahaaga ama xaaladahaaga ay sabab u yihiin COVIDka-dheer. Baadhitaan shaybaar oo muujinaya in aad qabto caabuqa  SARS-CoV-2  looma baahna si loo ogaado inaad qabto Covidka-daba-dheeraarada.  Dhakhtarkaaga caafimaadku waxa uu  eegayaa waxyaabaha soo socda:  

Baaritaanada caafimaad iyo  baadhitaanada dhiiga caadiga ah, raajada xabadka, iyo electrocardiograms  waa baaritaano loo sameeyo qof qaba COVIDka-dheer. Dadka la kulma COVIDka-daba-dheeraada waa inay daryeel ka raadsadaan dhakhtarka si loogu sameeyo qorshe caafimaad oo u gaar ah iyaga si u yareeyaan khatartiisa.   La hadal  dhakhtarkaaga haddii aad u malaynayso in adiga ama ilmahaagu aad qabtiin COVIDka-daba- Dheeraada.

Exit mobile version