Wrbixinta 4aad ee Group 5: Sideen isugu diyaarin karaa inaan codsado in la’ii keeno qof aan garanayo?

#image_title

Sidii aad nooga barteen maalmahaan danbe, waxaan idiin soo gudbinaynaa xogaha ugu muhiimsan ee sida loo codsado group 5 dadka aad jeceshayna aad ku keeni kartid Maraykanka. Fadlan soo akhri qoraaladeeni hore waxaa ka helaysaa websiteka Somalimedia.mn.com.

Si aad ugu diyaar garowdo soo qaadista qofka aad jeceshahay qaado tabarkaan ikhtiyaarka ah si aad si fiican oogu diyaar garowdo qalaadkaana aad yaraysid ama ka dheeraatid.   Hada, ku soo dhawaw  talaabooyiinka ugu muhiimsan ee lagaaga baahan yahay. 

Maxaa dhacaya ka dib markaan gudbiyo codsiga?

Codsigaaga waxa dib u eegi doona shaqaalaha Welcome Corps. Waxaad soo gudbin kartaa hal codsi markiiba. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si ay mar labaad u codsadaan.

Haddii codsigaaga la aqbalo, waxaa kula soo xiriiri doona shaqaalaha Welcome corps, shakhsiyaadka aad doonayso inaad kafaalo qaado waxa loo gudbin doonaa Barnaamijka Ogolaanshaha Qaxoontiga ee Maraykanka. Kadib marka la dhameeyo shuruudaha codsiga oo dhan waxaa waraysan doona  dowladda Mareykanka si loo go’aamiyo in ay u qalmaan qaxoontinimo  marka loo eego sharciga Mareykanka. Habkan waxa kale oo ku jiri doona baadhista dabagalka ama amni (Security screening) iyo baadhis caafimaad, waxaanay qaadan doontaa wakhti badan. Kaliya qaxootiga ay ansixisay Waaxda Amniga Gudaha (USCIS) ayaa la dejin karaa gudaha Mareykanka.

Marka qaxootiga aad rabto inaad kafaalo qaado ay u ogolaato dib u dajinta Waaxda Amniga Gudaha Maraykanka (USCIS), Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka ayaa ka shaqayn doona sidii ay ku iman lahaayeen magaaladaada.  Qaxootiga sida gaarka ah loo kafaalo qaado  ma heli doonaan adeeg degdeg ah oo ka duwan kan ay helayaan dadka kale ee ku imaada isla barnaamijka Wecome Corps. Dhamaantood waxay marayaan isku borosees.  Hadii aad doonaysid inaad ogaato macluuumaad dheeri ah oo ku saabsan barnaamijka ogolaashaha qaxooiga, booqo https://www.state.gov/refugee-admissions/

Intee in le’eg ayay qaadanaysaa in ay qaxootigu yimaadaan?

Waqiga ay kunimanayaan waa uu kala duwan yahay, kiis kastana si gaar ah ayaa loo tix galinayaa. Filo in nay qaadato ugu yaraan lix bilood ilaa dhawr sano laga bilaabo wakhtiga aad gudbiso arjiga oo dhamaystiran. Waxaad soo gudbin kartaa hal codsi markiiba. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si aad mar labaad u codsatid.

Exit mobile version