Gaari ayaa ku dhacay gaari SUV ah oo ka mid ah kolonyada ilaalada madaxweyne Joe Biden habeenkii Axadda, xilli uu madaxweynuhu ka soo baxayay booqasho uu ku tagayo xaruntiisa ololaha. Madaxweynaha iyo marwada koowaad Jill Biden wax dhaawac ah ma gaarin.
Intii uu Biden ka soo baxayay xafiiska ololaha kuna socday gaariga SUVga gaashaaman ee sugayay, gaadhi sedan ah ayaa ku dhacay gaadhi ay leeyihiin ciidanka ilaalada gaarka ah ee Maraykanka kaas oo loo adeegsaday in lagu xidho isgoysyada u dhaw xarunta uu madaxweynuhu ka anbabaxayay. Gaariga ayaa markaas isku dayay in uu baxsado ka hor inta aysan ciidamada sirdoonku isku gadaameen gaariga qoryahana ku foorariyeen, waxayna ku amreen darawalka inuu gacmaha kor u qaado.
Biden ayaa loola carary gaadhigii sugayey, halkaas oo ay xaaskiisa hore u fadhiisatay, ka hor inta aan si degdeg ah loogu celin gurigoodii. Jadwalkiisa kale ma saameynin dhacdada.
Sirdoonku si degdeg ah ugamay hadlin dhacdadan.