Qormada 2aad ee Group 5: Maxay yihiin shuruudaha laga doonayo qofka doonaya in uu kafaalo qaado qaxooti iyo qofka la keenayo Maraykanka. 

Sidii aan idiinku sheegnay qormadii hore, shan qof oo muwaadiniin Maraykan ah ama deganaasho rasmi ah haysta ayaa kafaala qaadi kara qaxooti jooga meel kale Shantaan qof waxay kafaala qaadi karaan ha qof oo qaxooti ah ama qoys isla nool markiiba. Codsigaaga hada waad gudbin kartaa. Haddii laguu ogolaado, waa inaad sugtaa saddex bilood ka dib markay qaxootigu yimaadaan Maraykanka si aad mar 2aad codsi kale u gudbiso.  

Shakhsiyaadka (dadka) ku qoran codsigaaga kafaala-qaadka waxay wadankay dooniba ha u dhashaane  waa inay buuxiyaan shuruucda qaxootinimada oo waafaqsan sharciga Maraykanka iyo dhammaan shuruudahan hoos ku qoran:

Haddii aad codsanayso in aad kafaala qaaddo in ka badan hal qof, dhammaan qaxootiga waa in ay hadda ku nool yihiin hal waddan oo ay qorsheeyaan in ay ku noolaadaan hal guri marka ay yimaadaan Maraykanka.

Haddi qofka ama qoyska qaxootiga ah ay hore ugu jireen boroseeska dib-u-dejinta  Qaxoontiga ee Maraykanka (USRAP) ama barnaamijka fiisaha soogalootiga khaaska ah ee dadka Afghanistan (SIV), waxaad soo gudbin kartaa codsigaga kafaala qaadka iyada oo aan loo eegin meesha ay hadda ku nool yihiin. Si kastaba ha ahaatee, sida kor ku xusan, ma kafaala qaadi kartid qof ka yar 18.  

Qof kasta oo aad kafaalo qaado, waa in ay baasaan nidaamka baadhista qaxootiga iyo hubinta ee dawlada Maraykanka si loogu ogolaado dib u dajinta gudaha Maraykanka. Ma jiraan wax dammaanad qaad ah in qof kasta oo aad codsato laguu keenayo Maraykanka.  

Exit mobile version