Shaqo-ka-joojintii dhawaan lagu sameeyay shaqaalaha diinta iyo dhaqanka ee isbitaalka Jaamacada minnesota M Health Fairview ayaa ku reebtay bukaannada Muslimiinta iyo kuwa Bariga Afrika xaalad aan la hubin. Joojinta, oo saamaysay 13 ka mid ah 42 qof, waxay walaac ku abuurtay shaqalahaan bukaanada u muxaadarayn jiray.
Alemseged Asmelash, oo ah wadaad diimeed ka soo jeeda bariga Afrika, muddo 21 sano ku dhowna soo shaqaynayay, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aankan kediska ah. Waxaa la socday Jamiilla Xasan oo ah wadaadad Soomaaliyeed oo muslimin ah, waxay ka dhawaajisay dareenka ah in la khiyaamay. Shaqo ka fariisinta, oo saameysay guud ahaan 250 shaqaale , ayaa ka dhigtay in ay su’aal galiyaan masiirka bukaannada Muslimiinta ah ee ku tiirsan wadaaddada si ay u helaan wacdi iyo waano.
Wadaaddada ay dhibaatadu saameysey ayaa ku doodaya in aan go’aanka lagala tashan, iyaga oo aan helin wax digniin ah ka hor inta aan lagu dhawaaqin go’aankaan Noofambar 2dii. Alemseged, oo ugu horrayn u adeegi jiray xaafadda daanta galbeed oo ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah oo Bariga Afrika ka soo jeeda, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee taageerada ruuxiga ah u leedahay bogsashada dhamaystirna u tahay daryeelka jidhka ee ay bixiyaan dhakhaatiirta.
Shaqaalaha Adeegyada Caafimaadka ee Fairview waxa ay qiil uga dhigtay shaqo ka joojinta inay jawaab u tahay isbeddellada lagu raadinayo taageerada ruuxiga ah, iyadoo daliishaday dadaallada socda ee wax looga qabanayo baahiyaha dhaqanka iyada oo loo marayo barnaamijyada sida isku-duwidda soo celinta cadaalada, iyo dadaallada sinnaanta caafimaadka bulshada. Af hayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay shaqaynayaan tobanaan wadaad oo kale, isaga oo u ballan qaaday in laga taageeri doono shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyey xagga dib u tababarida, caawinta shaqo raadinta, iyo shaqaaleysiinta mudnaanta leh.
Si kastaba ha ahaatee, wadaaddada, oo isu arkayay inay ka mid yihiin kooxda daryeelka bukaanka, ayaa muujiyay walaaca ku saabsan luminta nidaamka taageerada muhiimka ah ee bukaanka Muslimiinta iyo Bariga Afrika. Jamilla, gaar ahaan, waxay ku tilmaantay doorkeeda inuu yahay mid degin iyo matalaad bukaannada laga yaabo inay dareemaan inay xiriir la lahayn shaqaalaha caafimaadka. Maadaama ay soo food saartay mustaqbal aan la hubin, labadaba Alemseged iyo Jamilla waxay la tacaalayaan noloshooda iyo isbedelka shaqadooda iyo halka ay ku danbayn doonaan.
Warbixintani waxaa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.