Community and CultureFeaturedNews

Waa maxay walwalka ay qabaan shaqaalaha arrimaha diinta ee Isbitaalka Fairview?

Jamilla Hassan was a chaplain at University of Minnesota Medical Center-Riverside for four years./ Sahan Journal

Shaqo-ka-joojintii dhawaan lagu sameeyay shaqaalaha diinta iyo dhaqanka ee  isbitaalka Jaamacada minnesota M Health Fairview  ayaa  ku reebtay bukaannada Muslimiinta iyo kuwa Bariga Afrika xaalad aan la hubin. Joojinta, oo saamaysay 13 ka mid ah 42 qof, waxay walaac ku abuurtay  shaqalahaan bukaanada u muxaadarayn jiray. 

Alemseged Asmelash, oo ah wadaad diimeed ka soo jeeda  bariga Afrika, muddo 21 sano ku dhowna soo shaqaynayay, ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay go’aankan kediska ah. Waxaa la socday Jamiilla Xasan oo ah wadaadad Soomaaliyeed oo muslimin ah, waxay ka dhawaajisay dareenka ah in la khiyaamay. Shaqo ka fariisinta, oo saameysay guud ahaan 250 shaqaale , ayaa ka dhigtay in ay su’aal galiyaan masiirka bukaannada Muslimiinta ah ee ku tiirsan wadaaddada si ay u helaan wacdi iyo waano.  

Wadaaddada ay dhibaatadu saameysey ayaa ku doodaya in aan go’aanka lagala tashan, iyaga oo aan helin wax digniin ah ka hor  inta aan lagu dhawaaqin go’aankaan Noofambar 2dii. Alemseged, oo ugu horrayn u adeegi jiray xaafadda daanta galbeed oo ay ku nool yihiin dad Muslimiin ah oo Bariga Afrika ka soo jeeda, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee taageerada ruuxiga ah u leedahay bogsashada  dhamaystirna u tahay  daryeelka jidhka ee ay bixiyaan dhakhaatiirta.

Shaqaalaha Adeegyada Caafimaadka ee Fairview waxa ay qiil uga dhigtay shaqo ka joojinta inay jawaab u tahay isbeddellada  lagu raadinayo taageerada ruuxiga ah, iyadoo daliishaday dadaallada socda ee wax looga qabanayo baahiyaha dhaqanka iyada oo loo marayo barnaamijyada sida  isku-duwidda  soo celinta cadaalada, iyo dadaallada sinnaanta caafimaadka bulshada. Af hayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay shaqaynayaan  tobanaan wadaad oo kale, isaga oo u ballan qaaday in laga taageeri doono shaqaalaha shaqada laga fadhiisiyey xagga dib u tababarida, caawinta shaqo raadinta, iyo shaqaaleysiinta mudnaanta leh.

Si kastaba ha ahaatee, wadaaddada, oo isu arkayay inay ka mid yihiin kooxda daryeelka bukaanka, ayaa muujiyay walaaca ku saabsan luminta nidaamka taageerada muhiimka ah ee bukaanka Muslimiinta iyo Bariga Afrika. Jamilla, gaar ahaan, waxay ku tilmaantay doorkeeda inuu yahay mid degin  iyo matalaad bukaannada laga yaabo inay dareemaan inay  xiriir la lahayn shaqaalaha  caafimaadka. Maadaama ay soo food saartay mustaqbal aan la hubin, labadaba Alemseged iyo Jamilla waxay la tacaalayaan noloshooda iyo isbedelka shaqadooda iyo halka ay ku danbayn doonaan.  

Warbixintani waxaa soo tebisay oo xaqiijisay Sahan Journal.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts