NewsCommunity and CultureFeaturedLatestLeadershipPolitics and Leadership

Wiil Yar oo Soomaali ah oo Ka qayb qaatay shaqaalaysiinta taliyaha booliiska, doorna ku yeeshay qoondaynta $7 million. Sidee bay magaalada u kobcisaa ka qayb-galka dhalinyarada? 

Abshir Cali oo todoba iyo toban jir ah ayaa aadoga wayn da’diisa sida ardayda kale ee dhigata dugsiga sare. Ardayda ayaa inta badan xooga saara sidii ay oga gudbi lahaayeen fasalkooda kana shaqeeyaan waxqabadyada laga doonayo. Cali Waxaa uu ka mid yahay Guddiga Miisaaniyadda Horumarinta Caasimadda ee St. Paul, halkaas  oo uu ka qayb qaato sida loo qoondeeyo malaayiin doolar oo kharashka magaalada ah.

Cali ayaa shaqadaan bilaabay isaga oo ka qaybqaadanayay hindisa dhalinta da’doodu u dhaxayso 16-21 looga qayb galinayo kulamada gudiyada magaalada Saint Paul.  Cali ayaa si tababar ah ola soo shaqeeyay duqa magaalada, waxaa uu qayb ka noqday shaqaalaysiinta, sidoo kale waxaa uu gacan ka gaystay ansixinta sharciga cunada bilaashka lagu siinayo dhamaan ardayda Minnesota.  

“Aad ayay u cabsi badnayd shaqada,” Cali ayuu yidhi xili uu ka sheekaynayay markuu bilaabay in uu la shaqeeyo dowlada hoose,  “Waxaan la fariisanayay miiska dad leh khibrad ka badan 20 sano aniga oo dhigta fasalka 9aad.”

In kasta oo uu cabsanayay bilowgii sahqada , Cali hormar la taaban karo ayuu gaaray.  Hadda waa guddoomiyaha guddiga dhalinyarada ee St. Paul, oo kala shaqeeya mas’uuliyiinta deegaanka ee la soo doortay arrimaha khuseeya dhalinyarada. Waxaa kale oo uu u ololeeyaa kordhinta ka qaybgalka dhalinyarada ee dawladda.

“Waxaan qabaa inay muhiim tahay in dhallinyaradu ay ka qayb qaataan go’aamada laga gaarayo bulshadeena,” ayuu yiri Cali. “Waxaan leenahay waxyaabo badan oo aan ku biirin karno, waxaana u qalannaa inaan kursi ku yeelano miiska.”

Dadaalka cali ayaa aad loo dareemay. Masuuliyiinta iyo madaxda magaalada ayaa ku amaanay dadaalka hagar la’aanta ah ee uu doonayo in uu ugu adeego bulshada. Mas’uuliyiinta magaalada iyo madaxda bulshada ayaa ku amaanay garaadkiisa, xamaasadiisa,  iyo dadaalka uu ugu jiro adeegga bulshada. 

“Abshir waa xiddig soo baxaya,” ayuu yiri duqa magaalada St. Paul Melvin Carter. “Waa nin  xilkas ah, aftahana ah, si qoto dheerna ugu dhex jira bulshadiisa. Shaki iigama jiro in uu maalin uun hoggaamiye ka noqon doono magaaladeena.”

Sheekada Cali waxay dhiirigelin u tahay dhamaan dhalinyarada meel kasta oo ay joogaan. Waxay ku tusinaysaa sida  da’da yarta wax oga badali karaan bulshada. 

“Haddii aan samayn karo, qof kastaa waa wuu awoodaa in uu sameeyo,”  ayuu yidhi Cali. “Marka ka qayb qaado, hadal, oo codkaaga la maqlo.”

Saamaynta Dhallinyaradu Ku Yeelan karaan Guddiyada

Barnaamijka St. Paul ee Youth On Boards ma aha hindisaha kaliya ee awood u siinaya dhalinyarada inay ku lug yeeshaan dawladda. Barnaamijyo la mid ah ayaa ku soo badanaya magaalooyinka gobolka.

Barnaamijyadani waa muhiim sababtoo ah waxay siinayaan dhalinyarada fursad ay ku bartaan dowladda iyo sida ay u shaqeyso. Waxay sidoo kale siiyaan dhalinyarada tabarada ay u baahan yihiin  sidii ay u oqdaan hoggaamiyeyaasha mustaqbalka.

“Maalgelinta ka-qaybgalka dhallinyaradu waa maalgashiga mustaqbalka,” ayay tiri Sarah Johnson, maamulaha barnaamijka Ururka Madaniga ah ee Qaranka. “Marka ay dhallinyaradu ku lug yeeshaan bulshooyinkooda, waxay u badan tahay inay ku lug yeeshaan bulsho ahaan iyo inay saameyn fiican ku yeeshaan adduunka.”

Barnaamijka St. Paul Youth On Boards wuxuu tusaale u yahay  magaalooyinka kale ka qayb galinta dhalinyarada arrimaha dowlada.  St. Paul waxaa ay abuuraysaa jiil cusub oo hoggaamiyeyaal ah kuwaas oo u diyaarsan qaabaynta mustaqbalka magaaladooda.

Haddii aad tahay qof dhalinyaro ah oo xiisaynaya ka qayb qaadashada bulshadaada ama waalid, waxaa jira siyaabo badan oo aad oga qayb qaadan karto. Waxaad la xidhiidhi kartaa xildhinaabada la soo doortay ee deegaankaaga, ama si tabaruc ah ugu shaqee urur maxalli ah, ama u tartan xafiis doorasholaftaada si laguu doorto. 

Si kasta oo aad doorato inaad uga qaybgasho, codkaagu waa muhiim. Markaa ha ka baqin inaad hadasho oo isbedel samayso.

Want to join Youth On Boards?

Youth ages 16 to 21 can apply to Youth On Boards by interning with RightTrack for the summer. The Summer Academy trains members for placement on city boards, committees, and commissions while introducing them to career pathways in local government. 

Members receive $15 an hour and are expected to work 20 hours a week. The internship runs for eight weeks from June to August.

After completing their summer internship, Youth On Boards representatives begin attending committee meetings. They will also have monthly check-ins and meet with other youth serving on committees.

Youth On Boards representatives are expected to commit six to 10 hours per month. Staff from Youth On Boards provide ongoing support, such as mentoring, transportation, and job readiness. Members are also eligible for a $125 stipend to attend Youth on Boards meetings and complete learning assignments.

Contact Stephany Lopez with questions about the program at stephany.lopez@ci.stpaul.mn.us or (651) 266-6401. 

Abdirizak Diis is the founder and CEO of Somali Media of Minnesota, where he serves as a writer and editor. He is also an anchor for Somali TV of Minnesota. Abdirizak specializes in community reporting, health and education awareness, and geopolitical…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts