JusticeBusinessFeaturedLatestNewsPolitics and Leadership

Muxuu yahay sharciga cusub ee Minnesota oo ka mamnuucaya shirkadaha in ay waydiiyaan shaqo-doonka mushaarkii ay hore u qaadan jireen?

Lt. Gov. Peggy Flanagan ayaa ka sheekaysay dareenkeeda walwalka badan markii ay shaqo codsatay sanado ka hor shaqabixiyuhuna waydiiyay mushaatkii ay qaadanaysay shaqadeedii hore. Waxay sheegtay inay dareentay inay qasab tahay in ay ka jawaabto. Shaqadii waa ay heshay laakiin waxay ogaatay in la siinayo $40,000 wax ka yar qofkii iyada ka horeeyay.

“Tani waxaa ka dhasha natiijooyin… taasina waa hantida dhabta ah,” Flanagan ayaa tidhi. “Oo marka aan arrintan ka hadlayno gaar ahaan dumarka iyo dumarka laga tirada badan yahay, la yaab ma leh in aynu aragno farqiga lahaanshaha guriga,  fariga  caafimaadka iyo fayo-qabka, waa halka ay ka bilaabato, hanti-abuurka iyo awoodda aad u leedahay inaad daryeesho naftaada, si aad u daryeesho qoyskaaga iyo inaad qorshayso mustaqbalkaaga.”

Iyada iyo hogaamiyayaasha kale ee Minnesota waxay isugu yimaaddeen Xarunta Gobolka Khamiistii  si ay u  taageeraan sharci cusub oo dhaqan galaya Jan. 1deeda. kaasoo ka mamnuucaya loo-shaqeeyayaasha inay waydiiyaanshaqo-doonka taariikhda mushaharkooda marka ay shaqaaleysiinayaan iyo marka ay ka gorgortamayaan mushaarka. Shaqo-doonka si aan qasab ahayn waa ay sheegi karaan taariikhda mushaarkooda.  

“2024, waxaan dooneynaa inaan ciribtirno takoorka… Waxaan ku noolaan karnaa  gobol ay raga iyo dumarkuba jinsiyada iyo qowmiyaday doonaanba haka soo jeedaane, ay helaan fursado isku mid ah oo ay ku guuleystaan. Tani waa mid ka mid ah inaan xaqiijino hadafkaas,” ayay tidhi Flanagan. 

Sharcigan waxaa ka soo horjeestay qayb ka mid ah ganacsatada.  John Reynolds, oo ah agaasimaha gobolka Minnesota ee Xiriirka Qaranka ee Ganacsiga Madaxda banaan, ayaa sheegay in sharciga uu yahay mid niyad-wanaag lagu dhisay. Laakiin wuxuu sheegay in ciqaabta ku xadgudubka sharciga ay tahay “mid aad u adag, sidoo kale wuxuu sii badinayaa shuruucda faraha badan ee heer gobol iyo federaalba leh ee lala beegsanayo ganacsiga yar-yar sanadkaan.” 

Shaqo doonka ayaa haysta ilaa hal sano si ay dacwad ugu gudbiyaan Waaxda Xuquuqul Insaanka ee Minnesota haddii loo shaqeeyaha uu  weydiiyo mushaarkoodii hadda ama kii hore. Shirkadaha ku xad-gudba Xeerka Xuquuqul Insaanka ee Dawladda, ee sharcigu hoos imanayaa, waxa uu Garsooraha sharciga maamulku ku amri karaa in ay bixiyaan ciqaabta madaniga ah ee dawladda, isla markaana ay siiyaan magdhaw ciddii ay wax yeeleeyeen, iyada oo ay u dheer tahay in ay la kulmaan ciqaab ganaax oo aan ka badnayn $25,000. Samaynta hal qalad, ayuu yidhi Reynolds, waxay suuqa ka saari kartaa ganacsiyo yaryar oo badan.

Reynolds ayaa sheegay in ay xaqdaro tahay in shaqo doonka loo ogolaado in uu sheego mushaarkiisii hore marka ay isaga dan ugu jirto, loo shaqeeyahana loo diido.

Siddeed iyo toban gobol oo kale ayaa ka mamnuucay loo-shaqeeyayaasha inay waydiiyaan taariikhda mushaharka dadka, oo ay ku jiraan North Carolina, Alabama iyo Massachusetts. Magaalooyin kala duwan ayaa qaatay sharciga, sida – Philadelphia, maxkamada rafcaanka ayaa dhawaan dib u soo celisay mamnuucida ka dib markii Rugta Ganacsiga ee maxalliga  iyaga oo ku dooday  in amarkani uu ku xadgudbayo xuquuqda hadalka ee ganacsiga.

 Kuliyada Sharciga ee Jaamacadda Boston oo cilmi-baaris ku samaysay gobolada mamnuucay waydiinta taariikhda mushaarka  waxay arkeen in 8 % sare u kacay  mushaharka haweenka iyo 13 %  mushaharka shaqaalaha Madowga ah. Daraasadu waxay ogaatay in kala saraynta mushaarka ee raga cad iyo dumarka kala badh soo afjarmay.  

Dumarka Minnesota celcelis ahaan waxay lumiyaan qiyaastii $447,960  taasoo ay ugu wacan tahay farqiga u dhexeeya mushaar bixinta raga iyo dumarka, iyadoo haweenka laga tirada badan yahay  iyo dumarka Hindida asaliga ah  ay la kulmaan khasaare intaa ka sii badan, sida lagu sheegay warbixin dhowaan ka soo baxday Women’s Foundation of Minnesota  iyo Center on Women, Gender, and Public Policy of the Humphrey School of Public Affairs  ee Jaamacada  Minnesota.

Linda Sloan, oo ah agaasimaha fulinta ee golaha Minnesotans of African Heritage, ayaa sheegtay in sharciga “uu wax ka bedeli karo nolosha dad badan.”

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

1 Comment

  1. Pingback: URL

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts