Community and CultureEducation

Buug Cusub oo soo bandhigaya ciyaaraha, iyo heeshaha dhaqanka Soomaalida ayaa lagu bari doonaa dugsiyada dadwaynaha Minnesota. 

Qorsho Xasan iyo Becca Buck ayaa ururiyay heeso dhaqameed,  iyo ciyaaro Soomaali ah oo ay ka soo xigteen  ardayda iyo waalidiinta dugsiga hoose ee Gideon Pond. Waa ururintii ugu horreysay ee nooceeda ah oo loo diyaariyay  lagu dhigo dugsiyada. 

Buck iyo  Qorsho Xasan, oo ka wada shaqayn jiray dugsiga Gideon Pond ee ku yaal xaafada Burnsville, ayaa markii ugu horreysay soo bandhigay  buuggooda cusub—”The Rhythm of Somalia,”  Ururinta Heesaha, Sheekooyinka, iyo Dhaqanka Soomaalida.

Buck ayaa bilowday qorista buuga si ay u dhamaystirto cilmi baarista shahaadadeeda 2aad ee jaamacada ee barashada muusigga. Dabadeed la-taliyeheeda, Karen Howard, ayaa u soo jeedisay inay u beddesho buug. 

Buck iyo Qorsho ayaa iska kaashaday qorista buuga, iyagoo ka fgaa’idaysanaya khibrada  muusiga ee Buck iyo aqoonta Qorsho ee afka Soomaaliga, taariikhda iyo dhaqanka. Waxay bilaabeen qorista buugga dayrtii 2019.

Si ay buugga u soo saaraan, waxay ardayda iyo waalidiinta Soomaaliyeed ka codsadeen in ay la  wadaagaan heesaha  iyo ciyaaraha ay yaqaanaan. Waxay qoreen erayada iyo qoraallada muusiga, waxayna bixiyeen jawi dhaqameed iyo tilmaamo barbaarineed oo loogu talagalay isticmaalka heesahan fasalka dhexdiisa.

 Hees kasta,  ama ciyaar kasta, waxaa la socda sheeko gaar ah oo ka timid ardaygii la wadaagay. Waxaa qoraalka dhexdiisa ku jira sawiro muujinaya khariida Soomaaliya, qalab muusig, guryaha reer guuraaga, iyo geel. Buugguna waxaa ka buuxa sheekooyiin ku saabsan taariikhda, dhaqanka iyo muusiga Soomaalida.

Natiijadu waa isku-darka taariikhda afka iyo ciyaaraha dhaqanka, iyo hage-noociisa ugu horreeya oo loogu talagalay macallimiinta rajaynaya in ay fanka Soomaaliga ku baraan fasalladooda. Madbacad ku taala Chicago ayaa soo saartay  400 oo nuqul. Degmooyin iyo macalimiin badan ayaa horay u dalbaday koobiyada isticmaalka fasalka, oo ay ku jiraan dugsiyada Burnsville iyo Osseo.

“Bulshada Soomaaliyeed kaliya lama matalin,” Howard ayaa tiri. Buuggani waxa uu ka caawin karaa macallimiinta inay ka hortagaan qaabka dhaqanka ah ee cadaanka udub dhexaad looga dhigay  waxbarashada muusiga, waxay tidhi: “waa in loola dhaqmo muusiga Soomaalida ee gudaha Maraykanka qaab muusig Maraykan ah oo kale.”

Ka caawinta ardayda Soomaaliyeed in ay ka dhex muuqdaan manhajka muusiga waxa ay leedahay muhiimad gaar ah—mararka qaar waa   isfaham waaga u dhaxeeya waalidiinta iyo macalimiinta. Buck waxa uu sheegay in ay jirto fikrad been abuur ah oo dhanka waxbarashada muusiga ah oo ah in ardayda Soomaaliyeed aanay dhegaysan muusigga. Qorsho waxay sharraxday in waalidiinta qaarkood aysan fahmin waxa lagu barto fasalka muusiga, lagana yaabo inaysan doonaynin carruurtooda inay dhagaystaan muusiga pop-ka Mareykanka  oo muujiya  galmada iyo daroogada.

Soomaaliya waxa loo yaqaannaa the Nation of Poets “Qaranka Abwaanada”  waxayna leedahay  taariikh qani ku ah sheekooyiinka, gabayada  iyo heesaha. Haddana ilaa 1940-aadkii, Af-Soomaaligu ma lahayn erey bixint muusig ah, waxaana uu hoos imanayay gabayga. 

Muusigu wuxuu leeyahay ujeeddooyin badan oo dhaqanka Soomaalida ah, Qorsho waxay tiri: Waxaa loo isticmaalaa in lagu yareyo  murugada iyo in dib loo soo nooleeyo hidaha iyo dhaqanka. Heesaha qaarkood waxay dhiirigelinayeen midnimadda dhulka Soomaalida iyo la dagalanka gumaysiga.  Xidhiidhka ay arday badan la leeyihiin muusiga waxa kale oo qaabeeya barashada ku dhawaaqida alifbeetada carabiga iyo xifdinta quraanka, ayay tidhi.

Hadii aad doonaysid in aad tagtid munaasabad lagu daah furayo buuga, halka hoose iska diiwaan gali. 

RSVP: At this link

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts