LatestCommunity and CultureHealthNews

Labo gabdhood oo walaalo ah ayaa weli ku sugan xaalad halis ah kaddib shil-gaari oo ay ku galeen St. Paul, kuna dhaawacmeen shan qof oo dhalinyaro ah

Labo gabdhood oo walaalo ah oo reer Anoka ah ayaa weli isbitaalka ku jira xaaladoona aad ayay u liidataa  ka dib markii lay galeen shil baabuur oo halis ahaa oo ay ku dhaawacmeen shan dhallinyaro ah oo Soomaali ah. 

Afar gabdhood oo walaalo ah oo da’doodu u dhaxayso 14 ilaa 18 jir iyo nin ay ilma adeer ahaayeen ayaa ka yimi booqasho  qoys 19-kii November markaasoo ay ku dhaawacmeen shil ka dhacay dhinaca bari eeSt. Paul. Gaari ah nooca Jeep Cherokee oo ay wateen ayaa ka baxay wadada, waxayna ku dhufteen baabuur badan oo aan cidna saarnayn ugu danbaytiina wuxuu ku dhacay tiir koronto,  kadibna gaariga wuu rogmaday. Shilka ayaa dhacay abaaro 7:15 p.m. xili ay u socdeen  dhanka waqooyi ee wadada White Bear ee u dhaw isgoyska Iowa Avenue.

Lacag uruurin online ah oo loogu talagalay labada dhalinyarada ah ee xaaladoodu liidato -Raheema Cabdi, 18, iyo Ruweyda Abdi, 14 – ayaa lagu  uruuriyay in ka badan $59,000 oo lagu daboolayo  kharashaadka caafimaadka qoyska ilaa duhurnimadii Khamiista.

Ruweyda  ayaa dhawr meel ka jabtay waxayna dhaawacyo ka soo gaareen maskaxda, sambabada, lafdhabarta, iyo beerka. Dhiigbax gudaha ah ayaa ku kalifay dhakhaatiirta inay ka saaraan beeryarada iyo kelyaheeda, sida ay sheegeen xubnaha qoyska. Raheema dhaawac ayaa maskaxda ka soo gaaray  dhowr lafna way jabtay.

Labaduba waxay ku sii jiraan qaybta daryeelka degdega ah.

“Baxnaanintoodu waqti dheer ayay qaadan doontaa, taasina waa shaqo waqti buuxa ah lafteeda,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq, oo abaabulaya lacag ururinta. Maxamed waxay ilmo adeer yihiin gabdhaha hooyadood, wuxuuna isku tilmaamay inuu yahay sida adeerkood oo kale.  

Gabdhaha walaalaha ah ee gaariga la socday ayaa kala ahaa Naciima Cabdi oo 16 jir ah iyo Xamdi Cabdi oo 17 jir ah.

Maxamed iyo walaalkii ayaa inta badan gabdhaha geeya goobaha madadaalada xiliga fasaxa xagaagana geeya Mall of America, halkaas oo ay ka soo iibsadaan jaakadaha iyo labiskii ugu dambeeyay ee Nike.

Raheema (left) and Ruweyda (right) Abdi are in critical but stable condition following a November 19 car crash in St. Paul. Their other two sisters were also injured, but have been treated and released. Credit: Courtesy of the Abdi family

“Aad bay ugu faraxsanaayeen  aadida suuqa, waxaana had iyo jeer ku haysan jirnay shaaha boba iyo Chick-fil-A ee mallka,” ayuu yidhi.

Gabdhahan ina adeerkood oo lagu magacaabo Dalxa Cabdirisaaq oo 18 jir ah ayaa waday gaariga, sida ay sheegtay afhayeenka booliiska St. Paul Sgt. Mike Ernster.

Gaariga oo xawaare sare ku socday ayaa sababay shilka, gaari kale oo ay isku dhaceena ma jirin,  ayay tidhi Ernster. Si kastaba ha ahaatee, booliiska ayaa sheegay in shilkan uu weli ku socdo baaritaan, lamana oga sababta rasmiga ah ee keenay.

Dhammaan qof ee saarnaa gaariga  ayaa loo qaaday isbitaalka shilka ka dib. Naciima iyo Xamdi hada waa laga saaray isbitaalka, ayuu yiri Maxamed.

Hadii aaad doonaysid in aad ka qayb qaadato tabarucaadka, halka ayaad ku bixin kartaa: https://www.launchgood.com/campaign/support_for_the_families_of_the_5_muslim_teens_in_the_saint_paul_crash#!/

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts