Community and CultureFeaturedHealthLatestNews

Gabar Soomaaliyeed oo dhaawacyo culus soo gaareen kadib markii eeyo weerareen

Gabar Soomaaliyeed oo  7 jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac culus ka dib markii ay weerar ku qaadeen koox eeyo ah magaalada St. Paul habeenkii Khamiista.

Sida laga soo xigtay booliiska, gabadha yar ayaa ka soo baxaysay halka baska istaago waxayna la socotay hooyadeed  meel u dhow 600 block of Van Buren Avenue ee St. Paul, markii koox eeyo ah ay ka soo baxeen mid ka mid ah daaradaha kadibna weerar ku qaadeen  gabadha.

Booliiska ayaa goobta soo gaaray wax yar ka hor 5-tii galabnimo. Booliiska ayaa sheegay in nin wanaagsan oo goobta ka agdhawaa uu kala cayriyay ayda. 

Gabadha ayaa dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen madaxa iyo lugaha, waxaana booliisku ay sheegeen in loo qaaday isbitaalka carruurta. Gabadha waxaa gaaray dhaawac culus balse xaaladeedu waa ay degan tahay.  

Hooyada dhashay gabadha oo warbaahinta la hadashay  ayaa tirisay dhaawacyadeeda: “Eydu meel walba way ka qaniineen, bowdadeeda, wejigeeda, sankeeda, dhegaheeda,  waa wax lala yaabo, waxaa lii sheegay in qayb weyn oo dhegteeda ah  ay maqan tahay… Mar kasta oo  aan isku dayo inaan mid celiyo, kuwa kale ayaa soo weerarya.” 

dowlada ayaa sheegtay in qofka markii hore soo wacay uu sheegay in shan ilaa todobo eey ay ku lug lahaayeen weerarka oo ay ku tilmaameen inay u waynaayeen sida dibi oo kale.

 John Albert oo meesha ka agdhawaa, ayaa la hadlay FOX 9, isagoo sheegay, “Waxaan qiyaasayaa in weerarku ka dhacay halkan … oo ay ka qaniineen wejiga, ka dibna waxay sidoo kale ka qaniintay madaxa dhabarka, kadibna waxay ku lagadeen dhulka. Waxaan aaminsanahay in boorsada dhabarka ay ku wadatay wax badan ka difaacday ,waxa laga yaabaa inay ka sii xumaan lahayd.

Kaamirada ilaalada ee deriska ayaa duubtay dhacdada oo dhan booliiskuna  baaritaan ayay wadaan.  

Sgt. Mike Ernster oo ka tirsan Waaxda Bilayska ee St. Paul ayaa sheegay in baadhayaashu ay la hadleen qareennada magaalada iyo degmada labadaba si ay u go’aamiyaan dembiyada ka dhalan kara marka ay ogaadaan eyda iyo dadkii lahaa.  

Warbixin cusub oo laga helay booliiska ayaa sheegaysa in dhamaan shantii eyood lagu wareejiyay St. Paul Animal Control, qofkii lahaana uu la shaqaynayo booliiska. 

GoFundMe ayaa la sameeyay si ay Sumaya Faarax Cali loogu caawiyo inay ka soo kabsato weerarka.

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts