FeaturedJusticeNews

Maayarka Magaalada Minneapolis Jacob Frey oo ka soo Horjees qaraarka xabad joojinta Gaza ee uu ansixiyay Golaha deegaanka

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa diidmada qayaxan u isticmaalaay qaraar ay soo saareen golaha deegaanka magaalada Minneapolis oo ku baaqayay in xabad joojin laga sameeyo dagaalka ka socda marinka Gaza.  Maayarka ayaa ku cileeyay in uu qaraarka yahay mid hal dhinac ka raran, iskana indha tiray taariikhda yahuuda.

Maayarka ayaa sidaan soo qoray “Qaraarka golaha deegaanka uu ansixiyay wuxuu xoojinayaa taariikhda Falastiiniyiinta halka uu ka baabi’inayo tan Yuhuuda.”  

“In dadka qaarkii taariikhdooda laga dhigo mid sax ah, run ah, oo xaq ah, iyadoo la iska indhatirayo kuwa kale, maaha mid cadaalad ah ama loo wada dhan yahay. Taasi maaha  dhaqanka Minneapolis-ta aan  aqaano oo aan jeclahay.”

Maayar Frey ayaa intaa ku daray: “Xilli ay falalka la xiriira Yuhuud nacaybka iyo Islaam nacaybka ay sare  u kaceen ku dhawaad 400 boqolkiiba iyo 216 boqolkiibadalka oo dhan, waxaa waajib nagu ah, ugu yaraan, inaynaan xaalada oga sii darin.  Waxaan weli diyaar u ahay inaan saxiixo qaraar loo dhan yahay oo xabad joojin ah.  waxaan rajeyneynaa inaan dhammaanteen si wadajir ah u qaban karno shaqadan.”

Waxaa xusid mudan in maayarka ay dhalashadiisa tahay Yuhuud kuna eedaynayo golaha in aan lagala tashan qaraarka. Si kastaba ha ahaatee, diidmada maayarka ayay dad badani u arkaan mid baniaadanimada ka baxsan. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts