HealthFeaturedLatestNews

Maxaad kala socotaa saamaynta fog ee COVID 19.

Sida aad la socotaan COVID 19 ayaa dad badan noloshooda galaaftay qaar kale oo badana isbitaalada ayaa loo seexiyay. In badan oo ka mid ah dadkii uu ku dhacay waa ay ka boskoodeen, hase yeeshee wuxuu ku reebay saamayn dheer. Saamaynta COVID ka ayay dhakhaatiirta iyo cilmi baarayaasha ku howlan ihiin in ay baaraan. Hadaba wax ka ogow saamaynta COVID ka  waxna k ogo waxyaabaha  uu qofka la kulmi karo ka dib marka uu ka bogsoodo fayraska Coronavirus ee sababa COVID. 

Astaamaha lagu garto saamaynta fog ee COVID

Maadaama fayraska sababa COVID-19 uu siyaabo kala duwan u saameyn karo qaybo  badan oo jirka ah, calaamadaha saamaynta fog ee COVID 19 siyaabom kala duwan ayuu ddku ugu dhacaa.   Dadka qaar ayaa si dhaqaso ah oga bogsooda xanuunka, qaarna wuu ku daba dheeraadaa.    

Dadka qaba COVIDka- daba dheeraada  waxaa laga yaabaa inay  arkaan hal calaamad ama qaar ka mid ah calaamadaha soo socda. 

  1. Neefsashada oo ku adkaata  ama  yaraata
  2. Daal fara badan
  3. Xasuusta qofka oo yaraata, fikirka iyo feegisnaanta oo iyagana daciifa (Brain fog). 
  4. Astaamaha xanuunada qaar oo xumaada ka dib shaqo uu qofka qabtay.  
  5. Qufac
  6. Hurdo yaraan
  7. Madax xanuun
  8. Qandho
  9. Wadno garaac.  
  10. Laabta oo xanuunta ama cidhiidhi noqota
  11. Dawakhaad ama wareer marka uu qofka istaago
  12. Murqo iyo xubno xanuun.
  13. Calool xanuun
  14. Shuban
  15.  Xanuunada maqaarka sida finan kaa soo baxa ama timaha oo daata. 
  16.  Niyad jab iyo walwal iyo walbahaar qofka dareemo. 
  17. Isbeddelka dareenka urta ama dhadhanka
  18. Caado wareer
  19. Iyo calaamado kale oo badan. 

COVID-19 waxa kale oo laga yaabaa inuu oga sii daro xanuunada sida macaanka, xinjirowga dhiiga, wadno xanuunka, iyo xanuuno kale oo badan.   

Waxaa muhiim ah in la ogaado in xaalado caafimaad oo kale ay sababti karaan astaamaha aan kor ku soo sheegnay. Mar walbo la tasho dhakhtarkaaga.   

Contribute

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts