FeaturedHealthLatest

Noocyada kala duwan ee COVID-19, baaritaanka, iyo faa’iidada talaaka.

Noocyada  kala duwan ee COVID-19 (Variants)

Fayrasyada  sida kan sababa COVID-19 aad ayay isu badbadalaan. Marka uu fayrasku isbeddelo waxa loo yaqaan ” Variant” wuxuuna farac ka  yahay fayraska asalka ah. Noocyo cusub oo fayras ah ayaa la filayaa inay  soo baxaan  waqti walba.

Noocyo badan oo COVID-19 ah ayaa ku faafay adduunka oo dhan iyo gudaha Mareykanka. Qaar badan oo ka mid ah noocyadan ayaa ku fiday Minnesota.

MDH iyo hay’adaha la shaqeeya  waxay si firfircoon u baaraan muunado cusub  si ay u ogaadaan kala duwanaanshaha fayraska si wax badan looga ogaado.  

Xogtu waxay tusinaysaa in noocyada qaar ay si fudud u faafaan lagana yaabo in ay ka faafitaan badan yihiin fayraskii asalka ahaa.  Waaxda caafimaadka waxay ku talinaysaa in talaaka la qaato. 

Talaalku Muxuu kaa caawin karaa

Tallaalku wuxuu yareeyaa fiditaanka fayraska ee bulshada dhexdeeda, taas oo ka dhigaysa mid adag in noocyo cusub isu bedelo. 

Tallaaladu waxay yareeyaan halista aad ugu jirto in aad la xanuunsatid fayraska Covid 19, ama in isbitaalka lagu seexiyo xanuunka COVID awgiis.  Taasi waa sababta ay aad muhiim ugu tahay dhammaan dadka xaqa u leh in ay is talaalaan in ay qaataan talaaka.  

Dadka Reer Minnesota ee da’doodu tahay 6 bilood iyo wixii ka weyn waa inay qaataan tallaalka xoojinta marka xiligooda la gaaro.

Baaritaanka noocyada COVID. 

Baaritaanada  COVID-19  laguma ogaado nooca fayraska ku hayo. 

Iyadoo loo marayo habka loo yaqaan sequencing, saynisyahannadu waxay go’aamin karaan nooca fayraska aad u faafaya, waxayna si dhaw ula socdaan noocyada cusub ee soo baxa.  

Hadii aad doonaysid macluumaad dheeri ah booqo : CDC: Variants of the Virus.

COVID 19 mar labaad ma kugu dhici karaa? 

Haddii uu kugu dhacay  COVID-19 saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaa laga yaabaa inaad weli leedahay difaaca fayraska. Si kastaba ha ahaatee, in fayrasku kugu dhaco mar kale waa suurta gal mar kasto oo waqtigu kordho.   Noocyada fayraska sababa COVID-19 waxaa laga yaabaa inay ka duwan yihiin kii markii hore kugu dhacay oo uu difaaca jirkaaga yaqiinay. 

Sida ugu wanaagsan ee aad naftaada u ilaalin karto waa in lagu tallaalo. Uma baahnid inaad sugto saddex bilood ka dib markaad ka soo kabsato COVID-19 si aad isu tallaasho.

Cilmi baaristu waxay muujineysaa in dadka qaata talaaladii ugu danbeeyay uu difaaca jirkoodu ka sareeyo difaaca dabiiciga ah ee samaysma ka dib marka uu kugu dhacay COVID-19.  Warbixinta CDC waxay muujineysaa in dadka aan la tallaalin ee horey ugu dhacay  COVID-19 ay laba jeer ka badan yihiin dadka si buuxda u qaatay talaaka in mar 2aad kugu dhaco COVID-19.   

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts