LIFE
Work & LifeCommunity and CultureFeaturedLatestNews

Shaqooyiin aad ka samaynayso lacag badan, New American Integration Center ayaa idiin haysa.

Munaasab Wacyigelin shaqo ah oo ay isla soo abaabuleen shaqaalaha CareerForce iyo New American Integration Center ayaa markii ugu horaysay laga hirgaliyay degmada Polk County, kaas oo soo jiitay in ka badan 40 qof oo shaqo-doon ah xili ay cimiladu aad u qaboobayd.  

Bandhigga shaqada, oo ay iska kaashadeen CareerForce iyo Xarunta  New Americans Integration Center oo fadhigeedu yahay East Grand Forks, ayaa dhacay Janaayo 19-kii.  Waxaa ka soo qayb galay loo-shaqeeyayaasha sida Sanford Health, Home and Heart Care, Jaamacadda Minnesota,Altru Health Systems iyo shirkado kale oo badan.

 Turjubaano ayaa goobta joogay si ay uga caawiyaan ka qaybgalayaasha iyo loo shaqeeyayaasha xagga xidhiidhka. Shaqaalaha CareerForce waxay sidoo kale halkaas u joogeen si ay oga caawiyaan shaqo doonka shaqada mustaqbalka ay hiigsanayaan.   

Cabdirisaaq Ducaalle oo ah agaasimaha hay’ada New American Integration Center ayaa u sheegay Somali Media of Minnesota, in fursado shaqo oo badan ay meesha ka banaan yihiin. Waxaa uu intaasi raaciyay, in shaqo doonku ay kala xulan karaan shiftiga ay doonayaa in ay shaqeeyaan. “Qofku wuxuu shaqayn karaa 3 maalin oo 12 saacadood ah sida Jimcaha, Sabtida, iyo Axada, maalmaha kale hadii uu shaqeeyo waxaa loo xisaabinayaa waqti dheeraad ah wixii ka badan 40 saacadoo usbuucii.” Ayuu yidhi Cabdirisaaq. 

Cabdirisaaq waxaa kale oo uu intaasi raaciyay in ay ka caawinayaan hoyga qofkii kaligiis ah oo doonayo shaqo ilaa uu awoodo in uu kirada iska bixiyo. 

New American Integration Center

New American integration Cennter waxay shaqo doonka ka caawisaa, buuxinta codsiga shaqada, u diyaar garowga waraysiga shaqada, qoritaanka CVga, iyo waxyaabaha la xiriira shaqada. Sida uu Cabdirisaaq inoo sheegay, shirkadaha waxay bixiyaan mushaar gaaraya $20 iyo ka badan. 

Jason Pangiarella, Wakiilka Horumarinta Shaqaalaha ee degaanka Polk ayaa yidhi “Hagaajinta xiriirka ka dhexeeya bulshooyinka cusub ee Maraykanka ee ku soo badanaya degmada Polk iyo Bariga Grand Forks iyo loo shaqeeyayaasha mustaqbalka ee daryeelka caafimaadka, waxbarashada, iyo beeraha ayaa muhiim u ah hormarka Waqooyi-galbeed ee Minnesota”.    

Soo galootiga iyo qaxootiga ayaa aad muhiim ugu ah doboolida baahida shaqaalaha Minnesota. Dadka ku cusub Maraykanka ayaa da’ahaan ka yar, waa ayna ka sahqo badan yihiin marka loo eego dadka ku dhashay Maraykanka.   

Jason wuxuu yidhi CareerForce iyo Xarunta New Americans Integration Center ee Bariga Grand Forks waxay ka wada shaqayn doonaan qabashada munaasabo shaqaalaysiin mustaqbalka. 

Hadii aad u baahantahay xog dheeraad ah ama in lagaa caawiyo helitaanka shaqo, fadlan la xiriir:

Abdirizak Ducaale; Executive Director of New American Integration Center

Office phone number: 612-707-6691

Ama booqo xafiiska: 1401 Central Ave NW Suite 3, East Garnd Forks, MN 56721

Ama booqo shabakada: https://new-americans-integration-center.org/

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts