Community and CultureFeaturedLatestNews

Sida aad ku heli karid in lagaa caawiyo bixinta korontada guriga. 

Barnaamijka ka caawiya dadka bixinta biilasha korontada ayaa si aan hore loo arag loo codsaday sanadkaan.  Barnaamijka wali waa u furan yahay codsadayaasha cusub, sida ay sheegeen masuuliyiinta dowlada. 

Ilaa Oktoobar, Barnaamijka Caawinta Tamarta ee Minnesota waxa uu in ka badan $40 milyan u qaybiyay in ka badan 70,000 qoys. Maamulayaasha barnaamijku waxay dadka ku dhiirigelinayaan inay codsadaan sida ugu dhaqsaha badan, maadaama baahidu ay sarreyso dhaqaaluhuna ka yar yahay  dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Barnaamijku waxa uu bixiyaa  deeq hal mar ah oo biilasha tamarta ah oo la siinayo qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Waaxda Ganacsiga ee Minnesota  ayaa maamusha barnaamijka, dhaqaalahana waxaa uu ka imaadaa dowlada federaalka wuxuuna hoos tagaa barnaamika Low Income Home Energy Assistance Program (LIHEAP). Waaxdu waxay la shaqaysaa  hay’adaha maxalliga ah ee gobolka oo dhan si ay u fudaydiyaan  codsiyada.

Michael Schmitz waa agaasimaha Xafiiska Caawinta Tamarta ee Waaxda Ganacsiga. Waxa uu sheegay in qof kasta oo u baahan kaalmada uu soo dalbado.

“Haddii dadku u maleynayaan in barnaamijyada sida kaalmada tamart loogu talo galin iyaga, laakiin waxay la rafaadsan yihiin biilasha, runtii waxaan si xooggan ugu dhiirigelin lahaa inay codsadaan,” ayuu yiri Schmitz. “Waxaan runtii dooneynaa inaan caawino.”

Waa kan sida barnaamijku u shaqeeyo.

Caawimo noocee ah ayaan codsan karaa?

Qof kasta oo danaynaya wuxuu buuxin karaa foomka codsiga. Haddii la oggolaado, gobolku wuxuu u dirayaa deeq hal mar ah shirkada korontada.  

Marka loo eego dashboardka gobolka, celceliska deeqda qoysku waxa ay ka hoosaysay $600  sanadkan. Qadarka ayaa ku kala duwan iyadoo ku saleysan arrimo ay ka mid yihiin tirada qoyska iyo kharashka tamarta.

Adigoo isticmaalaya isla foomkii, waxaad sidoo kale codsan kartaa ilaa $600 oo ah maalgelin degdeg ah haddii  halis ugu jirto in la jaro korontyada ama haddii aad u baahan tahay shidaal degdeg ah.

Codsadayaasha qaarkood ayaa sidoo kale xaq u leh Barnaamijka Caawinta Cimilada ee Waaxda Ganacsiga, kaas oo bixiya casriyeyn guri oo bilaash ah kaas oo hoos u dhigaya isticmaalka tamarta guriga muddada dheer. 

Yaa u qalma kaalmada tamarta?

Gobolka ayaa go’aamiya qofka u qalma iyadoo lagu salaynayo dakhliga iyo tirada qoyska. Si aad ugu qalanto, codsadayaashu waxay u baahan yihiin inay sameeyaan wax ka yar 50% dakhliga  celceliska ee gobolka.  Qofka kaligui nool waxaa ay  ka yar tahay $32,667 sanadkii; halka qoys ka kooban afar, waa wax ka yar $62,822.

Kireystayaasha iyo mulkiilayaasha guryaha labaduba waxay codsan karaan gargaar.

Muwaadiniinta iyo kuwa aan muwaaddiniinta ahayn ee xaqa u leh – sida dadka deganaashaha rasmiga ah haysta, magangalyo-doonka iyo qaxootiga – ayaa codsan kara barnaamijka. Dadka aan muwaadiniinta ahayn waxay wici karaan adeeg bixiyayaasha deegaanka si ay u ogaadaan macluumaadka aqoonsiga ay isticmaali karaan si ay u codsadaan  kaalmada. 

Sideen u dalban karaa?

Sannadkan, waaxdu waxay soo bandhigtay arji online ah  shabakada barnaamijka. Boggaas waxaa kale oo uu leeyahay codsiyo PDF ah oo ku qoran Ingiriis, Isbaanish, Hmong, Soomaali iyo Fiyatnaamiis, kuwaas oo aad ku soo diri karto boostada ama iimayl bixiyaha adeegga kaalmada tamarta deegaankaaga. Waxaa kale oo aad codsan kartaa in codsiga boostada laguugu soo diro.

Goorma ayaan dalban karaa?

Xilliga kama dambaysta ah ee codsiga wareegga barnaamijkani waa May 31, 2024.

Codsiyada waxaa la furay Sebtembar. Khubarada barnaamijka ayaa sheegaya in ay wanaagsan tahay in goor hore la codsado, maxaa yeelay sida loo kala hor codsado ayaa deeqda lisu siinayaa. 

Waxaa jirta fursad ah in lacagtu ay dhammaan karto. Schmitz wuxuu sheegay in taasi ay ku xirnaan doonto baahida, iyo haddii dowladda federaalku ay lacag badan geliso barnaamijka. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts