LIFE
Work & LifeBusinessFeaturedJusticeLatestLeadershipNewsPolitics

Waa imisa lacagta ay sameeyaan darawalda Uber iyo Lyft?

Daraasad nooceeda aan hore loo samayn ayaa lagu ogaaday lacagta ay sameeyaan darawalada Uber iyo Lyft inta ay shaqada ku jiraan. Daraasada ayaa tilmaamaysa in darawalada ka shaqeeya magaalooyiinka mataanaha ah  ay sameeyaan cel-celis ahaan $53 saacadii inta ay ay wadaan macmiilka. 

Haseyeeshee, darawalada ayaa hela wax ka yar $15 saacadii oo ka hoosaysa mushaar-bixinta ugu yar Minneapolis iyo Saint Paul marka la xisaabiyo mudada ay shaqada ku jiraan oo laga jaray 60 centi maylkiiba oo ah qiimaha ay dowlada federaalka jaangoysay in loo celiyo shaqaalaheeda.

 Warbixintaan ma soo afjarayo muranka u dhexeeya darawalada iyo shirkadaha Uber/Lyft, laakiin waxay cadaynaysaa halka ay isku maandhaafsan yihiin shirkadaha iyo darawalada. 

Daraasadaan oo ah tii ugu waynayd ee abid la sameeyo, waxaa sameeyay laba dhaqaaleyahan oo ka wakiil ah Waaxda Shaqada iyo Warshadaha ee gobolka ka dib markii Gov. Tim Walz uu viito saaray sharci siin lahaa darawalada Uber/Lyft qiimaha mushaharka ugu yar. Waxa uu sidoo kale  sameeyay gudi ka soo tala bixiya arrintaan si sharci dejintana sharci oga soo saaraan.  Gudiga loo xilsaaray ayaa shaqadooda dib loo dhigay sababtoo ah ma aysan haysan xog ay wax ku dhisaan.  

Warbixintani ayaa loo gudbiyay Senator Omar Fateh iyo Xil. Hodan Xassan oo qoray sharcigii lagu dalbanayay in darawalada mushaarka loo kordhiyo. Waxaa ay ka shaqaynayaan in ay soo gudbiyaan nuqul kale oo sharcigaasi ah. 

Qorayaasha warbixinta ayaa ku qiyaasay in darawalada la siiyo  ugu yaraan 49 senti daqiiqadii iyo 89 senti halkii mayl si ay u helaan mushaharka ugu yar ee magaalada Minneapolis oo ah $15.57 saacadii iskana bixiyaan kharashaadka sida qarashka baabuurka iyo caymiska. Haddii sidaasi laga dhigo mushaharka ugu yar, dakhliga darawaladu wuxuu kor u kacayaa 10%kiiba. 

Qorayaasha warbixintu waxay xisaabiyeen hadii darawalada la siiyo halkii mile  $1.20 gudaha metro, waxay helayaan mushaarka ugu yar,qarashaadka shaqada, iyo faa’idooyiinka ay helaan shaqaalaha caadiga ah sida fasaxa jirada, caymiska caafimaadka, gunada hawlgabka iyo caymiska shaqo la’aanta. (Dareewalada Uber iyo Lyft waa qandaraaslayaal madaxbannaan oo aan la siin faa’iidooyinkan.)

Uber iyo Lyft ayaa ku gacan sayray warbixntaas kuna tilmaamay in ay tahay mid dhinac u janjeedha. Waxaa ay ku doodeen in khrashaadka la xisaabiyay sida gaariga iyo telefoonka ay marwalbo darawalada isticmaali lahaayeen. Taa badalkeeda waxay tilmaameen daraasad ay iyaga sameeyeen. 

Dooda Mushaar kordhinta darawalada Uber/Lyft ayaa ah mid taagan, go’aanka laga gaarana saamayn balaaran klu yeelanaya nolosha dad badan oo reer Minnesota ah. 

Abdirizak Diis is Somali Media of Minnesota's founder, CEO, writer, and editor. Diis is also an anchor for Somali TV of Minnesota and a freelancer for Sahan Journal. He does community reporting, health and education awareness, and Horn of Africa…

1 Comment

  1. Transfer 15 654 US dollars. GЕТ > https://telegra.ph/BTC-Transaction--124094-03-14?hs=341f195ed4a095a58a9e0114c1f6f38f& says:

    ge7q8w

Leave A Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Related Posts